Home / Nagu Saabsan

Nagu Saabsan

Barta Somali Wiki waxaa loogu talo galay inay noqoto meel ay ku urursan yihiin wixii taariikh iyo aqoon ah ee ku saabsan Soomaalida, si dhallinyaradu u helaan aqoonta muhiimka ee ay u baahan yihiin. Waxaan rajeynayaa inaan halkan isugu keeno dhammaan qoraallada la xiriira taariikhda dadka, dalka iyo diinta, si qofka Soomaaliga ah ay ugu suurtogasho inuu afkiisa hooyo kaga bogto macluumaadka uu u baahan yahay.

Howsha Somaliwiki waxay isugu jiri doontaa in la soo ururiyo wixii horay loo qoray, kuwa aan la qorina in dad loo xilsaaro si qoraalladaas ay uga faa’ideysan karaan dadka doonayaa inay wax ka kororsadaan taariikhda iyo aqoonta dalka iyo dadka.

 

Qorayaasha

Waxaan soo dhoweynaa qof kasta oo awooda inuu soo diyaariyo qoraal ka hadlaya taariikh ama aqoon ku saabsan dalka iyo dadka. Waxaan xuseynaa xuquuqda Qoraha ee qoraallada aysan lahayn qorayaasha Somali Wiki.

Fadlan nagala soo xiriir barteena Facebook.

www.facebook.com/somaliwiki