Home / Author Archives: somaliwi

Author Archives: somaliwi

Taariikh-nololeedkii Prof Cali Xasan Maxamed

Prof Cali Xasan wuxuu ku dhashay magaalada Ceeldheer sanadkii 1944kii. Wuxuu ku barbaaray Muqdisho iyo Qaahira. Ilaahay haw naxariisto e, Prof Cali Xasan Maxamed wuxuu ahaa keyd cilmi ah oo Ummadda Soomaaliyeed ka baxay. Wuxuu wax ku bartay dalalka Soomaaliya, ...

Read More »

Mas’uuliyiinta soo qabtay Taliska Qeybtii 26aad ee XDS

Taliska Qeybtii 26aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa soo qabtay mas’uuliyiintan soo socda: 1-Jan Jaamac Aw Muuse Samatar 2- Jan Maxamed cali Mire 3- Jan Muuse Xasan Abdulle 4-Jan Cismaan Saalax C/karim 5-Jan Yuusuf Axmed Salxaan 6- Jan Siciid Faarax Gooje ...

Read More »

Ma loo baahan yahay aqoon iyo waayo aragnimo maamul?

Marka jaamacadda lagu baranayo cilmiga maamul waxaa qeexitaanka ka mid ah in maamulku yahay SAYNIS iyo ADAB (ARTS) labadaba. Marka la leeyahay waa arts waxaa loola jeedaa inaysan jirin hal jid oo loo mari karo xallinta arrin oo ay xaaladdu tahay ...

Read More »

Farqiga ereyo la isku khaldo: (Magacaabis/Doorasho, Dakhli/kharash, dowlad/xukuumad, mushaar/gunno)

Magacaabis iyo Doorasho: Magacaabis waa marka mas’uul uu xil u magacaabo mas’uul kale oo ka hooseeya. Tusaale, Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya lama doorto ee waxaa xilka u magacaaba Madaxweynaha. Sidoo kale wasiirrada xilka waa loo magacaabaa ee iyaguna lama doorto. Hase yeeshee ...

Read More »

Baro Sharciga Xarfaha laba-laabma iyo tusaale

Maskaxda ku hay afarta qodob ee hoos ku qoran:   Xarafka labanlaabmaya waa in uu ka mid yahay toddobada xaraf ee m,n,l,g,r,d,b. Xarafka labanlaabmaya waa in uu dhawaqiisu adag yahay (sida kor ku qoran). Xarafka labanlaabmaya waa in uusan ugu ...

Read More »

Taariikhdii Abwaan Xasan Sh. Muumin (AUN)

Xasan Sheekh Muumin wuxuu ku dhashay magaalada Boorame hilaadihii 1930.kii Caa’ilad reer diineed ayuu ka soo jeedaa. Dugsiga quraan ayuu waxbarshadiisa ka billaabay. Shaqooyin kala duduwan ayuu qabtay. Shaqadiisii dowladeed ugu horeysay wuxuu ka qabtay Raadiyo Muqdisho iyo Wasaaradda Waxbarashada. ...

Read More »

Taariikhda Cusmaan Gacanlaw AUN

25-bishii April sanadkii  2013kii waxaa Magaalada Hargaysa ku geeriyooday Allaha u Naxariistee Fanaan Cismaan Maxamed Cabdikariim (Gacanlaw) oo lagu xasuusto in kaalin muuqata uu ka qaatay Fanka Soomaaliyeed. Cismaan Maxamed Cabdikariim Gacanlaw waxa uu ku dhashay deegaanka Qorilugud oo ka ...

Read More »

Abaar ka dhacday Muqdisho I930-kii (Magaca Villagio Arab)

Sheekooyinka taariikheed ee ku keydsan maskaxda Sheekh Mukhtaar ma tiro yara. Mid ka mid ah waxay ka dhacday Muqdisho sanadkii 1932-dii Sheekh Mukhtaar xilligaas ay abaartu dhacayso Muqdisho kuma sugneyn, ee waxaa uga sheekeeyay nin ay saaxiib ahaayeen oo turjumaan ...

Read More »

Taariikhda Saxaafadda Soomaaliyeed – Qaybta 1aad

Hordhac kooban Saxaafadda Dunida Inta aanan u gudagelin si gaara taariikhda saxaafadda Soomaaliyeed aan marka hore si kooban uga hadlo taariikhda saxaafadda adduunka si aan ugu soo xirno taariikhda saxaafadda Soomaaliyeed. Taariikhda saxaafadda adduunka waxaa lagu tilmaani karaa xilli adag ...

Read More »

Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

WASAARADDA HIDDAHA IYO TACLIINTA SARE   Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan URURINTII KOOWAAD Waxaa Ururiyey: Sheekh Jaamac Cumar Ciise   Mashruuca Iskaa-U-Samee   Halkan Riix

Read More »