Home / Taariikh / Taarikhda Saxaafadda Soomaaliyeed Iyo Heerarkii Ay Soo Martay

Taarikhda Saxaafadda Soomaaliyeed Iyo Heerarkii Ay Soo Martay

Taariikhda saxaafadda soomaaliya marka laga hadlayo waxaa loo qeybin karaa afar (4) heer ama marxalado kala Duwan waxayna kala yihiin,

  1. Xilligii xorriyadda kahor ….1930….1960,kii

  2. Xilligii dowladdii rayidka …1960 …1969,kii

  3. Xilligii dowladdii milliteriga ..1969…1990,kii

  4. Ka dib burburkii dowladdii milliteriga wixii ka dambeeyay

Xilligii xorriyadda ka hor: saxafadda soomaliyeed waxay ka bilaawatay meel eber ah (0)

Sababtoo ah ma jirin dad aqoon iyo xirfad u leh cilmiga saxaafadda iyo waxtarkeeda.

Balse, waxaa soo baxay rag kooban, wallow aqoon fiican aysan u lahayn cilmiga saxaafadda, haddana ka dhiidhiyay falalka gumeysteyaashii faransiiska, ingiriiska, iyo talyaaniga ay ku hayeen dadka iyo dalka soomaliyeed.

Uggu horeyntii waxaa magaalada jabuuti markii ugu horreysay 1933,kii laga soo saaray wargeys la magac baxay { codka shaqaalaha } kaasoo xambaarsanaa ficillo wata farriimo xornimo doon ah.

Muddo ka dib, gumeysigii faransiiska wuu mamnuucay wargeyskii { Codka Shaqaalaha } oo ay soo saarayeen shaqaalaha reer jabuuti, isagoo u arkay inuu dadka ku kicinayo si ay ula dagaallamaan gumeysigii.

Sidoo kale, waxaa magaalada hargeysa ka soo baxay 1936,kii wargeys kale oo ka magac baxay { Al-Somaal } kaasoo lagu soo daabici jiray magaalada cadan ee dalka Yeman, halkaasoo ay deggenaayeen dad reer soomali line ah, oo si toos ah ugu xirnaa dhaqdhaqaaqyadii xornimo donka eek a socday Raggani waxay mudan yihiin in ay xasuusta ku hayaan suxufiyiinta soomaaliyeed ee manta jooga, kuna daydaan dadalkii nafhurnimo ee ay u soo galeen asaaska saxaafadda

Dalka soomaaliya idil ahaantii.

Gumeysiga ingiriiska markuu arkay saameynta wargeyskani ku yeeshay dadka ku nool gobollada waqooyi ee soomaaliya ee uu gumeysanaayay, wuxuu amar ku bixiyay in dhaqso looga joojiyo wargeyskani in uu soo galo gobollada uu gumeysto ee soomaaliya.

Hasa yeeshee, taasi ma noqon mid joojisa wargeyskii iyo dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka ee shacbiga soomaliyeed wada saameeysay meel kasta iyo gobol kasta oo ay joogaanba balse, wuxuu sii xoogeystay ilaa ay xoroobeen ayna isaraaceen labadii gobo lee ay kala gumeysanayeen ingiriiska iyo talyaniga 1,dii luulyo 1960,kii

Dhinaca kale, asaaskii ururka SYL 15,kii may 1943 ka abuurmay magaalada muqdisho caasimada soomaaliya, wuxuu isna bilaabay inuu soo saaro wargeys lamagac baxay { Al-Wuxda }  kazoo xiriir la lahaa dhaqdhaqaqyadii ka docday mgaalooyinka jabuuti iyo hageysa oo si qarsoodi ah wargeys yadu ugga soo bixi jiree.

Haddaba, saxaafadda soomaaliyeed ee waqtigaasi waxay ahaayeen kuwo iftiin u ah xorriyaddii la qaatay 1960,kii iyo asaaskii saxaafadda.

Raggii asaaska u dhigay saxaafadda soomaaliyeed waxaa hormuud u ahaa:-

  • Mohamud Jamac Uur-doox, O Ahaa Ninkii Ugu Horreeyay ee Soomaali

Ah oo Hargeysa Ka soo Saaray Wargeys 1935,kii

  • Xaaji cabdi Ducaale, Wa Ninkii Ugu Horreyay ee Ka Hadla Idaacadda Hargeysa 1943,kii

  • Sogare Maxamed Cadde, oo ahaa Ninkii Ugu Horreyay Filim Qaade Ka noqday Muqdisho 1947,kii

  • Xuseen Cabdi farmashiye Wa Ninkii Ugu Horreyay ee Ka Noqday Sawir qaade 1950,kii

  • Aadan Isaaq Tima-cadde Wa Ninkii Ugu Horreyay ee Muqdisho Ka noqday-

 Artistte, Sameeye Sawir Gacmeed 1950kii

  • Daahir Ibrahim Cabdi, Waa Ninkii Ugu Horreyay ee Sameeyay 1952 , Madbacad Wax Lagu daabaco.

                                 Wargeysyadii Dalka Ka soo bixi Jiray Xorriyadda Ka hor

1

Somali Journal

Dowli

1950 ilaa 1960-kii

2

Al-Liwaa

Gaar ah

1985 ilaa 1960-kii

3

Qarni Afriqiya

SNL

1957 ilaa 1960- kii

4

Al-wuxda

SYL

1957 ilaa 1960-kii

5

War Somali Side

Dowli Ingiriis

1953 ilaa 1960-kii

6

Corriere del Somalia

Dowli Talyaani

1950 ilaa 1960,kii

7

Al –Sariixa

Gaar ah

1957 ilaa 1960-kii

Soomaaliyeed.

[2] XILIIGII Dowladda Rayidka 1960-1969,KII

 Markii Xorriyadda La Qaatay Durbadiiba Waxa Furmay Xorriyaddii Hadalka, Waxana Abuurmay Wargeysyo badan, oo si Furan u hadli jiray, kuwaasoo Ku soo Bixi jiray Afaf kala Duwan Sida

  • Carabiga

  • Ingriiska

  • Talyaaniga

Hase Yeeshee, Waxaa Meesha Ka Maqneyd Tirade dadka Soomaaliyeed ee bka Faa ‘iidaysan Kartay , sababtoo ah dadkeennu Inta Wax baratay aad Iyo ayey u yareyd, iyagoo weliba ku kala qeybsanaa afafka ay ku Hadlaan Mid kasta kiisa la Qiima Badnaa.

Dhinaca Kale, waxaa Dalka Ka Jiray Laba

Idaacadood oo Kala ah

  • Raadiyo Hargeysa, oo La Furay 1943,kii Xilligii Gumeysiga Ingiriska,

  • Raadiyo Mogadisho, oo la Furay 1951,kii Xiligii Gumeysiga Talyaaniga oo Maxmiyad Ku Hesatay Goballada Koonfureed, Waxana Labada Idaacadood Maamulkeeda gacanta Ku hayay Xukuumaddi Rayidka ee , Soomaaliya ,

Ka dibna Waxa Ku soo biiray, Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, O La asaasay 5 jannaayo 1964,KII  Iyadoona Hoos Imaaneysay Wasaaradda Warfaafinta Sida Labada Idaacadood Xilligan Wuxuu Ahaa, Xilligii Ugu Wargeysyo Badnaayeen Marka Loo eego Xilligii Gumeysiga, Kuwaasoo Ku soo Kala Baxa Afafka Kala Duwan, oo Isugu Jiray Maalinla, Toddobaadle, Bille,

Wargeysyadii soo bixi jiray Xilligii dowladdii Rayidka 1960-1969,kii iyo Saddex bilood.

1

Corriere Del Somalo

Dowlii

1960

1969,kii

Maalinle

2

Sowtu Soomaal

Dowli

1960

1960,kii

Maalinle

3

Somali News

Dowli

1960

1969,kii

Maalinle

4

Somali Review

Dowli

1964

1967,KII

3 Biloodle

5

Li Oriente

Gaar

1967

1969,kii

Tiddobaadle

6

La Tripuna

Gaar

1967

1969,KII

Bille

7

Kifaax

SDU

1963

1964,KII

Toddabaadle

8

Itixaad al- Shacab

SDU

1964

1968,kii

Toddabaadle

9

Al- Waxda

SYL

1957

1969,kii

Toddobaadle

10

Al- Xaqiiqa

Gaar

1965,

1969,kii

Toddobaadle

11

Al- Shacab

Gaar

1967

1969,kii

Toddobaadle

12

Dalka

Gaar

1968

1969,kii

bille

13

Al- Jihaad

Gaar

1968

1969,kii

Toddobaadle

[3]    Xilligii Dowladdii Militeriga 1969-1990,kii      Taariikhda Saxaafadda, Waxay Xilligaan Ku Soo Beegantay Maamul Militeri,    Waxaana Ugu Horreyntii La Joojiyay Xorriyaddii Hadalka, Sidoo Kale, Waxaa La Xiray Qeybihii Sxaafadda  Gaarka Ah, Inta aan Ka Ahayn Wargeysyada Faafiya Siyaasadda kacaanka Iyo Labada  Idaacadood ee Raadiyo Muqdisho IYO Raadiyo Hargeysa OO Horeyba  Dowladda gacanta Ku haysay. Inkastoo dowladda Militeriga  Xirtay Dhammaan Saxaafaddii Gaarka Ahayd,   Haddana Waxa Guul Weyn U Ah Taariikhda Saxaafadda Soomaaliyeed –

  • Hirgelintii Qoraalka Farta Soomaaliga 21,kii Jannaayo 1973,kii oo Markii Ugu Horreysay uu soo baxay wargeys Afka Soomaaliga Ku qaran, loona Aqoonsaday inay Noqoto Maalintii Saxaaafadda Soomaaliyeed

  • Abuuridda Machadka Tababarka Saxaafadda 1976,Kii.

  • Dhismihii Kulliyadda Saxaafadda 1980,kii.

  • Furitaankii TV,ga Qaranka 1983,kii Horumarka Saxaafadda Soomaaliyeed, Waxa Fura u ahaa, Qoritaanka farta Soomaaliga, Taasoo Dhaxalsiisay Inay noqoto Mid ay Ka Faa’iideystaan Si buuxda Dadka Soomaaliyeed oo Dhan Miyi  Iyo Magaalaba, oo Markii Hore Ku Ekaa  Dhageysiga Idaacadaha oo Hadda Barta Akhris Iyo Qoraal Intaba, Taanina Waa Guul u Soo Hoyatay Saxaafadda Soomaaliyeed Iyo Shacabiyadda.

  • Marxaladdii Ka Dib Burburkii Dowladdii Dherxe ee Soomaaliya.

Xiligan Waxay Saxaafadda Soomaaliyeed Ku begantay Waqti aan dowlad Dhexe oo Xooggan aysan dalka Ka jirin, waxay Kusoo Begantay Qaran Bur-buray iyo Bulsho bahalowday oo aan kala gaar qaadaneynin,eed joogto ah oo la Xirrirta  Qoraalladooda oo markasta macamiishu ay Dhaliilsan yihin

 Dhinaca Kale, waxay la soo Kulmeen Xilli saxaafaddu uu soo gaaray farsamo Casri Ah ee Adeegsiga saxaafadda taasoo ay nasiib Ugu yeesheen inay Si Fudud uga faa’iideystaan Farsamda

Casriga ee Saxaafadda  Howlaha Saxaafaddu, wa Arrimo ubaahan xeelad iyo xirfad Aqoon saxaafadeed, si la isaga ilaaliyo Waxkasta oo waxyeeleyn kara Hbasocdkii saxaafadda .

Dhaliishu ma reebana balse, dhib abuurista ayaa ka daran Dhaliil yar oo laga indho qabsan kara, oo si kama Ama aqoon darro ku Dhacday.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa  Muhiim ah in Saxaaddu Ka Shaqeyso horumarinta danaha guud ee Dalka iyo Bulshada, oo dan Shaqsi gaar ah ka leexin danihii guud ee dalkaaga iyo Dadkaaga.

 Marxaladda saxaafadda Somaaliyeed, way Kabaxday Farsamo ahaan iyo tiro ahaan, Waxaa Abuurmay Wargeysyo fara Badan, Idaacado iyo TV,YO Madax-bannan oo gaar Loo leeyahay, bale waxa Dhibtu ka Jirtaa Xagga Tayada aqoonta suxufiyiinta da,da yare e hadda saxaafadda ku soo biiray oo aan lahayn ah, khibrad saxaafadeedeed iyo horumarinta dalkooda iyo dadkooda, awaxy ubahnyihin rag Khibrad saxaafadeed leh, oo si deggan wax Ubaro, oo had iyo jeer ku dhexjira si loo helo saxaafad U adeegta danta guud ee Bulshada Soomaaliyeed ee Manta

About Black

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*