Home / Fanka / TARIIKHDA SHAMIS ABOKAR (GUDUUDO CARWO)

TARIIKHDA SHAMIS ABOKAR (GUDUUDO CARWO)

Shamis abuukar waxay ku dhalatay deegaan xeebeedka conqor oo dhanka bari kaga Beegan magaalada berbera sanadkii 1935, waxanay ku soo barbartay magaallada Berbera sanadihii hore nolosheeda.  waxay fanka ku soo biirtay taariikhdu markay Ahayd 1952kii oo markii ugu horeysay codkeeda laga maqlay radio hargeysa.

Xilligii ay guduudo carwo billowday in ay heesto, dumarka kuma aysan dhiiran jirin Fanka iyo ka hadalka idaacadaha.

Doorka dumarka ee ruwaayadihii xilligaa iyo heesaha waxaa matali jiray rag, ka hor inta Aysan shamis abokar billaabin heesaha, maadaama dumarka aan lagu aqoon heesaha, Taasi waxay sababtay in sannadihii ugu horeeyay la qariyo magaceedii, waxaana loo Bixiyay guduudo carwo.

Guduudo carwo ayaa ahayd gabadhii ugu horeysay ee af soomaali ku heesta qiyaastii 1950-aadkii, waqtigaasi oo soomaalida dhexdeedda fanku ceeb ku ahaa, waxaanay Noqotay hooyada hablaha fanaaniinta ah.

Guduudo carwo waxaa ay dad badan oo soomaali ah ku xusuustaan heesihii ay qaadi Jirtay iyo kaalintii ay ku laheyd in fanka soomaalidu dhinaca dumarka ka dhismo, waxa Lagu xasuusta heestii la oran jiray

Guduudo carwooy

 Gu’gii la arkaba

Yaa gashaati ka dhiga,

Shamis abokor ismaaciil “gudoodo carwo” waxaa ay dhimatay iyadoo 82 jir ah, Waxaanay muddooyinkii u dambeeyey ku noolayd magaallada hargeysa.

About Black

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*