Home / Fanka / Mohamed Saleebaan Tubeec (Boqorka Codka)

Mohamed Saleebaan Tubeec (Boqorka Codka)

Allaah ha u naxariistee marxuum maxamed saleebaan tubeec waxa uu ku dhashay Sannadkii 1941-kii deegaanka laalays oo ka tirsan degmada berbera ee xarunta Gobolka saaxil oo uu ku dardaarmay in lagu aaso marka uu dhinto. maxamed Saleebaan tubeex waxa uu sannadihii lixdamaadkii fanka ka bilaabay magaalada Hargeysa, waxaanu qaaday heeso tiro badan oo isugu jira kuwo waddani ah, qaar Gobonnimo-doon ah, kuwo sifaynaya qaddiyadaha heer caalami, kuwo jacayl ah iyo Kuwo shaqsi ah-ba.

Maxamed saleebaan tubeec, oo lagu tilmaami jiray boqorka codka fannaaniinta Soomaaliyeed, aadna u cod macaanaa, waxa uu ka mid ahaa hormuudka fanka Soomaaliyeed, waxa uu ahaa fannaan aad looga jecel yahay heesihiisa guud ahaan Dhulka ay ummadda afka soomaaliga ku hadashaa degto. allaah ha u naxariistee waxa Uu ifka kaga tegay 32 qof oo isugu jira carruurta uu dhalay iyo ubadka ay sii dhaleen Ee uu awoowga u ahaa.

About Black

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*