Home / Siyaasiyiin / Mudane Aden Maxamed Cali

Mudane Aden Maxamed Cali

   In aad noqoto wasiirka aan dhicin ee dowladdii jaalle maxamed siyaad barre ma aheyn arrin fudud, in aad billad dahabi ah ku hesho dadaalka iyo hor-u-marinta waxbarahadda dalka waa arrin kale oo tii hore kaculus balse waxaa intaas oo dhan xilligan ka muhiim in uu talo siinaayo dowladda cusub.

Mudane aden maxamed cali oo horay dowladdii siyaad barre u soo noqday wasiir sportiga, shaqadda iyo arrimaha bulshadda,  wasiirka waxbarashada iyo barbaarinta iyo wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda ayaa laweediiyay dhor talo ah uu  jeclaan lahaay inuu siiyo  dowladda cusub ee madaxweyne maxamed farmaajo reer wasaare xasan kheyre iyo xakuumada cusub:

  Talooyinka Madaxweyne Cabdullahi Farmaajo

  1. Madaxweynaha iyo Dhamaan Madaxda Qaranka in ay badiyaan samirka, una dulqaataan dhibaatada ay kala kulmaan dal iyo dibadaba.

  2. Madaxweynaha innuu sharciga ilaaliyo .

  3. Madaxweynaha innuu ku dadaalo midnimada iyo illaalinta xuduudaha dalka.

  4. Madaxweynaha innuu dhowro sharafta dhulka iyo shacabka soomaaliyeed.

Madaxweynaha inuu isku wado hey’adaha dowladda, sidda xukuumadda, baarlamaanka iyo hey’adaha kale.

Talooyin ra’isul wasaare xasan kheyre

  1. In uu fuliyo barnaamijka uu umadda u balan-qaaday, lana socdo fulinta qorshayaasha

Lagu fulinaayo barnaamijka xukuumadda.

  1. In wasiirada ku koontoroollo shaqadda ay qabanaayaan iyo in ay fuliyaan barnaamijka xukuumadda.

In shacabka ka dhageysto cabashada ay ka qabaan wax qabadka xukuumadda.

Talooyin xukuumadda kheyre

  1. Unity iyo Silsilad: wasaarad walbo wasiir illaa shaqaala nadfaadda waa in isla socdaan,

Oo aan ladhihin “Lama iima sheegin iyo ma aqaano”.

  1. Shaqo: wasaaradda walba waxaa lagarabaa in ay qabato shaqada loo igmaday, isla markaana kasoo baxdo shaqadda iyo qorshaha u dagsan.

  2. Wasiirka in uu isdiro: wasiirada in ay fuliyaan dhammaan waa jibaadka laga rabo, oo mas’uulka wasaaradda is weydiiyo “Ma in lagu diraa mise in aad addiga is dirto”,

qofka waa in uu diraa waajibka iyo shaqadda laga sugaayo.

  1. Haggidda fog: wasiirka ama General Director-ka waa in uu ogyhay shaqadda ka socoto gobol hebel iyo degma hebel, la islana xisaabtamo.

  2. Dowlad isla socoto: waa in xukuumadda iyo shacabku isla socdaan, oo aaney kala socon, ujeedka iyo meesha loosocdo waa isku arragti laga noqdo.

  3. Isku filnaan: in xukuumadda ka shaqeyso sidii looga faa’iideysan lahaay badda, barriga, xoolaha, wabiyada, isla markaana ka shaqeyso qaabkii lagu gaari lahaa isku filnaan.

 

  Waa kuma wasiirka aan dhicin ee dowladdii maxamed siyaad

            Mudane aadan maxamed cali,   waxaa uu kudhashay baargaalle 1939-kii waxbarasha hoose dhexe

            waxuu ku qaatay isla magaaladaas halka waxbarashaa sare uu ku dhameeyay muqdisho 1958-dii

    shaqooyinka uu qabtay waxaa ka mid ahaa:

           1965:  Guddoomiyaha  ururka Mcalammiinta qaranka:

           1967-1969: Xogheyaha Guud ururka shaqaalaha Soomaaliyeed

           1971: Guddoomiyaha waxbarashada Gobolka Banaadir

    1974: Wasiirka Sportiga, shaqada iyo arrimaha bulshada

    1976:  Wasiirka waxbarashada iyo barbaarinta

     1982:  Gudoomiyaha arrimaha dibada ee xisbiga hanti-wadaag kacaanka soomaaliyeed

     1984:  Wasiirka kaluumeysiga iyo qeyraadka badda

     1988:  Gudoomiyaha mamuuska iyo maareynta xisbiga hanti-wadaagga kacaanka soomaaliyeed

     1976-1991: Xubin golaha dhexe ee xisbiga hanti-wadaagga kacaanka soomaaliyeed

    

Sanad guuradii 10aad ee xisbiga hanti-wadaag kacaanka waxaa mudan aadan maxamed cali oo kasocday wasaaradda waxbarashada iyo maxamed cali samatar oo kasocday gaashaandhiga lagu doonsiiyay bilad sharaf dahabi ah.

 Mr. Mudane aadan maxamed cali, waxaa uu la kulmay madaxweyne maxamed cabdullahi farmajo , ra’isul wasaare xasan kheyre iyo gudoomiyaha golaha shacabka maxamed shiiq cusmaan jawari, waxaa uu sidookale la wadaagay tallooyin dalka lagu dhisi karo

Xigasho: W/Q cabdi caziz gurbiye   (GOOBJOOG)

 

About Black