Home / Taariikh / Yuusuf Maxamed Cali (Tuke)

Yuusuf Maxamed Cali (Tuke)

Taariikhda Dhalashada 1951  
Goobta Dhalashada Gar’adag  
Gobolka Dhalashada Sanaag  
Shaqadda Siyaasi  
Sooyaal Kooban:
Ababka iyo Barbaarinta

Yuusuf Maxamed Cali (Tuke) waa siyaasi Soomaaliyeed oo muddo ka badan 30 ka shaqeynayay siyaasadda Soomaaliya. Waxa uu ku dhasahay deegaanka Gar’adag ee gobolka Samnaag ka tirsan sanaddii 1951-kii. Waxbarashadiisa aasaasiga ahayd halkaas ayuu kusoo qaatay, oo waxa uu1958-1963-kii ka dhigtay Qur’aanka Dugsi Qur’aan ku yiilay Gar’adag, Sanaag-Soomaaliya. 1959-1962-kii waxa uu Dugsi Hoose ku qaatay isla Gar’adag oo Sanaag-Soomaaliya ka tirsan. 1963-1966-kiina waxa uu Dugsi Dhexe ku dhameeyay Dugsiga Dayax ee degaanka Gar’adag, Sanaag-Soomaaliya, halka uu 1966-1970-kii uu Dugsi Sare  ku qaatay Faarax Oomaar, Hargeysa-Soomaaliya. Yuusuf waxa uu1970-kii Tababar Macalinimo ku qaatay Kuliyaddii Lafoole ee jaamacaddii Ummadda (SNU), Muqdisho-Soomaaliya, waxaana intii u dhaxeysay 1973-1976 uu Heerka 1-aad ee Jaamacadda (Bachelor Dgree) ka qaatay Kuliyadda Lafoole ee Jaamacadda Ummadda.

1976-1978-kii ayuu Macalin Dugsi Sare ka ahaa Dugsiga Sare ee Banaadir, Muqdisho-Soomaaliya, waxaana uu isla sanadahaas sidoo kale Suxufi ka ahaa Radio Muqdisho-Soomaaliya, isaga oo 1978-1981-kii ahaa Madax ka tirsan Xafiiska Madaxweyne Kuxigeenka Soomaaliya, waxa uuna 1981-1983 u ahaa  magangalyo dalka Sacuudiga, kadib uu ka baxsaday Taliskii Siyaad Barre.1981-1991-kii waxa uu ka tirsnaa, kaalinna ka qaatay sameystankiisa, madaxna ka noqday Jabhaddii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM. 1991-1992-kii ayuu Yuusuf  Wasiirka Madaxtooyada ka ahaa Somaliland, Soomaaliya, halka uu1993-1994-kii uu Ka qeyb-gale ka ahaa Shirkii Ceeragaabo ee lagu heshiisiiyay Beelaha gobolka Sanaag, Soomaaliya. 1995-1996-kii  wuxuu Door Muhiim ah ka qaatay Dadaal lagu soo afjaray Dagaal Sokeeyay ooSomaliland-Soomaaliya ka jiray. [1]

Waxbarashada

1958-1963 Dugsi Qur’aan, Gar’adag, Sanaag-Soomaaliya

1959-1962 Dugsi Hoose, Gar’adag, Sanaag-Soomaaliya

1963-1966 Dugsi Dhexe Dayax, Gar’adag, Sanaag-Soomaaliya

1966-1970 Dugsi Sare  Faarax Oomaar, Hargeysa-Soomaaliya

1970-1970 Tababar Macalinimo, Kuliyadda Lafoole, SNU, Muqdisho-Soomaaliya

1973-1976 Heerka 1-aad ee Jaamacadda (Bachelor Dgree), Kuliyadda Lafiile, SNU, Muqdisho-Soomaaliya [2]

[1] https://qarannews.com/taariikh-nololeedkii-muj-xildhibaan-yuusuf-maxamed-cali-tuke/

[2] https://qarannews.com/taariikh-nololeedkii-muj-xildhibaan-yuusuf-maxamed-cali-tuke/

 

W. D. Mustaqbal Media Corp.

About Black