Home / Taariikh / Maxamed Aadan Guuleed (Caana-Geel)

Maxamed Aadan Guuleed (Caana-Geel)

Taariikhda Dhalashada 1968  
Goobta Dhalashada Cadaado  
Gobolka Dhalashada Galgaduud  
Sahaqadda Siyaasi, Dhaqaalyahan  
Sooyaal Kooban:
Ababka iyo Barbaarinta

Maxamed Aadan Guuleed (Caana Geel) waa qoraa wax badan kusoo dhex jiray hawsha suxufinimada. Markii dambe waxa uu isu rogay siyaasi, waxa uuna ku dhashay magaalada Cadaado 1968-kii. Cilmiga Dhaqaalaha ayuu bartay, waxaana marka dib loo racao taraiikh nololeedkiisa uu Caana Geel 1974-19782-dii kii dhiganayay kana baxay Dugsi Hoose iyo Dhexe oo ku yaala magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, Soomaaliya.1982-1985-kii waxa uu ka baxay Dugsiga Sare ee General Daa’uud oo ku yaala magaalada Muqdisho, Soomaaliya. 1987-1991-kiina Heerka 1-aad ee Jaamacadda, ayuu ka qaatay  Kuliyadda Lafoole, isaga oo bartay Cilimiga Taariikh-da & Juquraafiga.

1990 ayuu Caana Geel sameeyay Wargeyska Xog Ogaal oo ah wargeyska ugu caansan ee Muqdisho kasoo baxa intii u dhaxeysay 1991-2016-ka. Sanadkii 2000 waxa uu ka qeybgalay Shirkii Carta ee dalka Jabuuti ee lagu soo sameeyay dowladdii Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan. 2003-dii waxa uu ka cararay Soomaaliya, waxa uuna degay Ingiriiska, halkaas ayuuna deganaa ilaa 2012-kii. Caano Geel waxaa 2014-kii loo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Soomaaliya, taas oo uu hayay muddo dhawr bilood ahayd.

Waxbarashada

1974-1978 Dugsi Hoose, Cadaado, Galgaduud, Soomaaliya

1978-1982 Dugsi Dhexe, Cadaado, Galgaduud, Soomaaliya

1982-1985 Dugsi Sare, General Daa’uud, Muqdisho, Soomaaliya

1987-1991 Heerka 1-aad ee Jaamacadda, Kuliyadda Lafoole, Taariikh & Juquraafi (SNU), Soomaaliya [1]

Waaya-aragnimada iyo Shaqada

 

1990 Wuxuu sameeyay Wargeyska Xog Ogaal, Muqdisho, Soomaaliya

2000 Waxa uu ka qeybgalay Shirkii Carta, Jabuuti ee lagu soo sameeyay dowladdii Cabdiqaasim

2003 Waxa uu ka cararay Soomaaliya, waxa uuna degay Ingiriiska, halkaas ayuuna deganaa ilaa 2012

2014 Waxaa loo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Soomaaliya [2]

 

 

[1] http://allgalgaduud.com/2015/02/akhriso-taariikh-nololeedka-gudoomiye-ku-xigeenkii-gbanaadirsawiro/

[2] http://allgalgaduud.com/2015/02/akhriso-taariikh-nololeedka-gudoomiye-ku-xigeenkii-gbanaadirsawiro/

 

W. D. Mustaqbal Media Corp.

About Black