Home / Taariikh / Cumar Xaashi Aadan

Cumar Xaashi Aadan

Taariikhda Dhalashada 1942  
Goobta Dhalashada Beled-Weyn  
Gobolka Dhalashada Hiiraan  
Sahaqadda Siyaasi  
Sooyaal Kooban:
Ababka iyo Barbaarinta

Cumar Xaashi Aadan waa siyaasi Soomaaliyeed, markiisii horena ahaa askari ka tirsanaa ciidamada. Waxa uu 1942-kii ku dhashay magaalada Beled-Weyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Markii shaqada Dowladnimada bilaabay Cumar waxa uu hadba ku noolaa gobolo kala duwan oo dalka ka tirsan oo uu u joogay hadba meel kasta shaqo uu dowladda u hayay. Cumar,1947-kii, waxa uu Barashada Qur’aanka ku qaatay degmada Beled-Weyn ee gobolka Hiiraan-Soomaaliya, 1949-kiina wuxuu isla Beled-Weyn, Hiiraan ku qaatay Dugsigiisii Hoose, waxa uuna 1975-kii ka baxay Maamulka Lacagta Qeybta 26-naad.

1960-1968-kii ayuu ka tirsanaa Ciidamada Police-ka Soomaaliya, isaga oo1969-1991-kii ka tirsanaa Ciidamada Xoogga Soomaaliya, waxa uuna 1970-1975-kii haystay Darajada Xiddigle, halka 1976-1980-kii uu ahaa Maamulaha Lacagta Qeybta 26-naad, waxaana 1980-1988-kii uu haystay Darajada Dhamme, islamarkaasna1980-1981-kii wuxuu ka shaqeeyay Hay’adda Nabadgalyada Gaashaandhiga Soomaaliya (HANGASH).

Cumar, 1981-1984-kii wuxuu ahaa Guddoomiyaha Degmada Qandala, Bari-Soomaaliya, 1984-1986-kiina wuxuu ahaa Guddoomiyaha Degmada Beled-Weyn ee gobolka Hiiraan-Soomaaliya. 1986-1988-kii wuxuu ahaa Guddoomiyaha Degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe-Soomaaliya, waxaana uu1988-1989-kii ahaa Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Dhexe, halka 1989-1991-kii uu ahaa Guddoomiyaha Gobolka Bari, Soomaaliya. 1991-2009-kii ayuu ka qeybqaatay shirar & dhaqdhaqaaqyo Soomaaliya loogu raadinayay Nabad & Dowladnimo, wuxuuna dowladihii waqtiyadaas kasoo kala qabtay xilal kala ah Xildhibaanimo iyo Wasiir. [1]

Waxbarashada

1947 Waxa uu Barashada Qur’aanka ku qaatay Beled-Weyn, Hiiraan-Soomaaliya

1949 Wuxuu Beled-Weyn, Hiiraan-Soomaaliya ku qaatay Dugsigiisii Hoose

1975 Wuxuu ka baxay Maamulka Lacagta Qeybta 26-naad [2]

Waaya-aragnimada iyo Shaqada

1960-1968 Wuxuu ka tirsanaa Ciidamada Police-ka Soomaaliya

1969-1991 Wuxuu ka tirsanaa Ciidamada Xoogga Soomaaliya

1970-1975 Wuxuu haystay Darajada Xiddigle

1976-1980 Wuxuu ahaa Maamulaha Lacagta Qeybta 26-naad

1980-1988 Wuxuu haystay Darajada Dhamme

1980-1981 Wuxuu ka shaqeeyay Hay’adda Nabadgalyada Gaashaandhiga Soomaaliya (HANGASH)

1981-1984 Wuxuu ahaa Guddoomiyaha Degmada Qandala, Bari-Soomaaliya

1984-1986 Wuxuu ahaa Guddoomiyaha Degmada Beled-Weyn, Hiiraan-Soomaaliya

1986-1988 Wuxuu ahaa Guddoomiyaha Degmada Jilib, Jubbada Dhexe-Soomaaliya

1988-1989 Wuxuu ahaa Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Dhexe, Soomaaliya

1989-1991 Wuxuu ahaa Guddoomiyaha Gobolka Bari, Soomaaliya

1991-2009 Wuxuu ka qeybqaatay shirar & dhaqdhaqaaqyo Soomaaliya loogu raadinayay Nabad & Dowladnimo, wuxuuna dowladihii waqtiyadaas kasoo kala qabtay xilal kala ah Xildhibaanimo iyo Wasiir [3]

[1] http://somalitalk.com/2009/jun/20ma409.html

[2] http://somalitalk.com/2009/jun/20ma409.html

[3] http://somalitalk.com/2009/jun/20ma409.html

 

W. D. Mustaqbal Media Corp.

About Black