Home / Taariikh / Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

Taariikhda Dhalashada 1924  
Goobta Dhalashada Gaalkacyo  
Gobolka Dhalashada Mudug  
Shaqadda Siyaasi  
Sooyaal Kooban:
Ababka iyo Barbaarinta

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Waa Reysal Wasaarihii 2-aad ee Soomaaliya, Waa siyaasi sameyn fiican ku lahaa dalka, waxaana 35 sanadood oo uu ku jiray shaqada u qidmeynta dowladnimada Soomaaliya uu qaatay door fiican, laga soo bilaabo xuriyad gaarsiinta Soomaaliya ilaa markii uu xakunkii dalka uu gacanta u galay Militariga. Cabdirisaaq waxa uu 1930-1944-kii wax ku bartay Malcamad uu aabihii bare ka ahaa, halkaas oo uu ka dhigtay Qur’aanka & Aqoonta kale oo aan Nidaami ahayn.

Cabdirisaaq waxa uu leeyahay taariikh fog oo 1944-1969-kii wuxuu ahaa Xubin ka tirsan, Naadiga Dhalinyarada Soomaaliya ee Somali Youth Club (SYC), oo markii dambe loo bedelay Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Somali Youth League (SYL).

1955-1960-kii waxa uu ahaa Xoghayaha Guud ee Ururka Dhalinyrada Soomaaliyeed (SYL), halka uu 1960-1969-kii uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.1960-1962-kii ayuu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, waxaana 1962-1964-kii uu ahaa Wasiirka Hawlaha Guud & Isgaarsiinta Soomaaliya. 1964-1967 Wuxuu ahaa Reysal Wasaarahii 2-aad ee Soomaaliya, waxaana uu 1969-1973-kii ahaa Xabsi Guri ay ka dhigtay Xukumaddii Militariga ahayd ee Siyaad Barre, halka 1974-1979-kii uu ahaa Wakiilka Soomaaliya u jooga Qaramada Midoobay, isaga oo 2006-2009-kii aad u mucaaradsanaa Soogelitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.

[1]

Waxbarashada

1930-1944 Wuxuu Macamad uu aabihii bare ka ahaa ka dhigtay Qur’aanka & Aqoon kale oo aan Nidaami ahayn [2]

Waaya-aragnimada iyo Shaqada

1944-1969 Wuxuu ahaa Xubin ka tirsan, SYC, oo markii dambe loo bedelay SYL

1955-1960 Wuxuu ahaa Xoghayaha Guud ee Ururka Dhalinyrada Soomaaliyeed (SYL)

1960-1969 Wuxuu ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

1960-1962 Wuxuu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya

1962-1964 Wuxuu ahaa Wasiirka Hawlaha Guud & Isgaarsiinta Soomaaliya

1964-1967 Wuxuu ahaa Reysal Wasaaraha Soomaaliya

1969-1973 Waxaa Xabsi Guri ka dhigtay Xukumaddii Militariga ahayd ee Siyaad Barre

1974-1979 Wuxuu ahaa Wakiilka Soomaaliya u jooga Qaramada Midoobay

2006-2009 Wuxuu aad u mucaaradsanaa Soogelitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya [3]

[1] http://radiomuqdisho.net/archives/allaha-u-naxariistee-crisaaq-xaaji-xuseen-waxa-uu-ahaa-halyeey-geesi-waddani-ah-oo-ka-baxay-ummadda-soomaaliyeed/

[2] http://www.hiiraan.com/news/2014/feb/wararka_maanta1-45157.htm

[3] http://www.hiiraan.com/news/2014/feb/wararka_maanta1-45157.htm

W. D. Mustaqbal Media Corp.

About Black