Home / Taariikh / Cabdi Ismaaciil Samatar

Cabdi Ismaaciil Samatar

 

Taariikhda Dhalashada 1952  
Goobta Dhalashada Gibiley  
Gobolka Dhalashada Waqooyi Galbeed  
Shaqadda Aqoonyahan, Qoraa & Macalin Jaamacadeed  
Sooyaal Kooban:

Cabdi Ismaaciil Samatar waa aqoonyahan, baare, iyo afmaal falanqeeya arrimaha Geyska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. Waxa uu ku dhashay deegaanka Gibiley ee Waqooyiga magaalada Hargeysa, Soomaaliya. Isla deegaankaas ayuuna waxbarashadiisa aasaasig ahaydna kusoo qaatay, hase ahaatee Tacliinta Sare waxa uu ku wada qaatay dalka Mareykanka. 1975-1979-kii ayuu Heerka 2-aad ee Jaamacadda (B.A.) ka qaatay University of Wisconsin–La Crosse, isaga oo1979-1981-kii Heerka 2-aad ee Jaamacadda (MCRP) ka qaatay Iowa State University, halka uu 1982-1985-kii uu Heerka 3-aad ee Jaamacadda (Ph.D) ka qaatay University of California, Berkeley ee dalka Mareykanka.

1980-1990-kii wuxuu ka ahaa Bare Jaamacadda University of Iowa ee dalka Mareykanka, halka uu 2002-2003 uu University of Iowa ka helay Abaalmarin Macalinimo, waxa uuna 1993-kii ku guuleystay Abaalmarinta Fulbright ee dalka Mareykanka, isaga oo 1994-kii ahaa Xubin ka tirsan Guddiga Talada ee Isutaga Daraasaadaha Afrika. 2003-2013-kii ayuu ahaa Guddoomiyaha Guddiga Mideynta Axdiga Soomaalida, 2013-2014-kiina wuxuu ahaa Madaxweynaha Isutaga Daraasaadaha Afrika.

Samatar, 1989-kii wuxuu ku guuleystay Abaalmarinta Fulbright ee dalka Mareykanka, 1997-kiina wuxuu ka helay University of Minnesota Shahaado aqoonsi Hogaamiye Bulshada Jaamacadaha, halka 1999-kiina uu ku guuleystay Abaalmarinta Fulbright ee dalka Mareykanka, halka sanadkii 2000 uu Iowa State University ka helay Abaalmarin uu ku muteystay Naqshadeynta Bulshadiisa. Sanadkii 2000, wuxuu ku guuleystay Abaalmarinta Finalist, Herskovits ee Isutaga Daraasadaha Afrika, waxa uuna 2004-tii ku guuleystay Abaalmarinta Adeega Bulshada ee Jaamacadda University of Minnesota.

[1]

Waxbarashada

1975-1979 Wuxuu Heerka 2-aad ee Jaamacadda (B.A.) ka qaatay University of Wisconsin–La Crosse

1979-1981 Wuxuu Heerka 2-aad ee Jaamacadda (MCRP) ka qaatay Iowa State University

1982-1985 Wuxuu Heerka 3-aad ee Jaamacadda (Ph.D) ka qaatay University of California, Berkeley

Waaya-aragnimada iyo Shaqada

1980-1990 Wuxuu ka ahaa Bare Jaamacadda University of Iowa ee dalka Mareykanka

2002-2003 Wxuu University of Iowa ka helay Abaalmarin Macalinimo

1993 Wuxuu ku guuleystay Abaalmarinta Fulbright ee dalka Mareykanka

1994 Wuxuu ahaa Xubin ka tirsan Guddiga Talada ee Isutaga Daraasaadaha Afrika

2003-2013 Wuxuu ahaa Guddoomiyaha Guddiga Mideynta Axdiga Soomaalida

2013-2014 Wuxuu ahaa Madaxweynaha Isutaga Daraasaadaha Afrika [2]

[1] http://www.africanstudies.org/publications/asa-news/november-2013-56th-annual-meeting/277-personally-speaking-professor-abdi-samatar

[2] https://en.wikipedia.org/wiki/Abdi_Ismail_Samatar

 

W. D. Mustaqbal Media Corp.

About Black