Home / Taariikh / Billow Keerrow

Billow Keerrow

Taariikhda Dhalashada 1958  
Goobta Dhalashada Rhamu  
Gobolka Dhalashada Mandheera, Waqooyi Bari Kenya  
Shaqadda Siyaasi & Ganacsade  
Sooyaal Kooban:
Ababka iyo Barbaarinta

Billow Keerrow waa Siyaasi Soomaaliyeed oo Reer Kenya ah, oo muddo dheer soo ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya. Waxa uu 1958-kii ku dhashay degmada Rhamu ee o ka tirsan Gobolka Soomaalida ee Waqooyi Bari Kenya. Sidoo kale waa ganacsade, hase ahaatee waxa uu wali ugu firfircoon yahay dhinaca siyaasadda.

Billow waxa uu Haystaa Shahaadada  Fellow of the Certified Public Accountants of Kenya (FCPAK), isaga oo Xubin ka ah Xoghayayaasha Certified Public Secretaries of Kenya (CPSK), waxa uuna yahay Tababare, Lashaqeeye Dowladnimada iyo Xubin ka tirsan Agaasimayayaasha Machadka Kenya. Billow, waxa uu Darajada 2-aad oo ah MBA ka haystaa Edinburgh Business School, Herriot Watt University, Scotland.

1989-1992-kii, wuxuu ahaa Xisaabiyaha Shirkadda Price Water House Coopers ee dalka Kenya, 1993-2016-kiina wuxuu ahaa La-Maamule Hay’adda MGI Adam & Associate ee sila dalkaas, halka 1994-2016-kii uu la ahaa saaxiib Shirkadda Image Registrars Limited, waxaana 1996-1997-kii uu ahaa Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa ee Machadka ICPAK. 2000-2003-dii wuxuu ahaa Agaasimaha Mu’asasada Jomo Kenyatta Foundation, 2003-2007-diina wuxuu ahaa Xubin ka tirsan Guddiga Maalgashiga Dowladda

2002-2007-dii, Keerrow wuxuu ahaa Xubin ka tirsan Midowga Qaranka Afrika ee Kenya, waxa uuna 2003-2007-dii ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya, halka 2003-2007-dii uu ahaa Xubin ka mid ah Guddiga Falanqeynta & Qoondeynta Lacagaha Kenya. 2003-2007 ayuu ahaa u qaabilsanaha Mucaaradka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukumadda Kenya, 2013-2016-kiina wuxuu ahaa Xubin ka tirsan Xisbiga United Republican Party (URP), waxa uuna 2013-2016-kii ahaa Senator matalayay Gobolka Mandheere .

Waxbarashada

A Fellow of the Certified Public Accountants of Kenya (FCPAK)

A Member of the Certified Public Secretaries of Kenya (CPSK)

A Certified Trainer, Corporate Governance and a member of the Institute of Directors, Kenya.

MBA from Edinburgh Business School, Herriot Watt University, Scotland [1]

Waaya-aragnimada iyo Shaqada

1989-1992 Wuxuu ahaa Xisaabiyaha Shirkadda Price Water House Coopers

1993-2016 Wuxuu ahaa La-Maamule Hay’adda MGI Adam & Associate

1994-2016 Wuxuu la ahaa sxb Shirkadda Image Registrars Limited

1996-1997 Wuxuu ahaa Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa ee Machadka ICPAK

2000-2003 Wuxuu ahaa Agaasimaha Mu’asasada Jomo Kenyatta Foundation

2003-2007 Wuxuu ahaa Xubin ka tirsan Guddiga Maagashiga Dowladda

2002-2007 Wuxuu ahaa Xubin ka tirsan Midowga Qaranka Afrika ee Kenya

2003-2007 Wuxuu ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya

2003-2007 Wuxuu ahaa Xubin ka mid ah Guddiga Falanqeynta & Qoondeynta Lacagaha Kenya

2003-2007 Wuxuu ahaa u qaabilsanaha Mucaaradka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukumadda Kenya

2013-2016 Wuxuu ahaa Xubin ka tirsan Xisbiga United Republican Party (URP)

2013-2016 Wuxuu ahaa Senator matalayay Gobolka Mandheere [2]

 

[1] http://softkenya.com/kenyans/billow-kerrow/

[2] https://kenyan-politicians.popit.mysociety.org/persons/core_person%3A260

 

W. D. Mustaqbal Media Corp.

About Black