Home / Siyaasiyiin / Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Taariikhda dhalashada 1962  
Goobta Dhalashada Muqdisho  
Gobolka Dhalashada Banadir  
Shaqada Siyaasi & Hogaamiye  
Sooyaal Kooban:
Ababka iyo Barbaarinta

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Waa Reysal Wasaarihii 2-aad ee dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed intii u dhaxeysay 2010-2011. Intii uu jagadaas haayay aad bey shacabka Soomaaliyeed in badan oo ka mid ah ugu riyaaqeen sida uu ugu guuleystay inuu daboolo qeyb ka mid ah baahiyaha Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, taas oo keentay in loo dhigo banana baxyo markii uu xilka iskacasilayay.

Farmaajo waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho 1962-kii, isla Muqdisho ayuuna Waxbarashadiisa ilaa Dugsi Dhexe ku qaatay, ilaa markii dambe uu u wareegay Dugsigii Farsamada Gacanta ee Lafoole, halkaas oo uu ku dhameystay Waxbarashadiisa Aaasaasiga ahayd ee Dugsiga Sare.

Maxamed Farmaajo waa aqoonyahan ilaa Darajada 2-aad ee Jaamacadda (Master’s Degree) haysta, waxaana Darajada 1-aad ee Jaamacadda (Master’s Degree) iyo Darajada 2-aad ee Jaamacadda (Bachelor Degree) ku qaatay dalka Mareykanka, gaar ahaan degmada Buffalo gobolka Newyor, Mareykanka. Farmaajo waxaa Takhasuskiisa waxyaabaha uu ku bartay ka mid ah Cilmiga Siyaasada , Xiriirka Caalamiga ah, Xuquuqda Aadamiga , Cilmiga Baadi Goobka Nabada, Horumarinta Dadwaynaha iyo Shacabka , iyo Xirfadda Hogaamiye laga rabo.

 

Hase ahaatee Farmaajo inta aanu Jaamacadda bilaabin ayuu u shaqo bilaabay Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Taliskii Militariga ahaa ee uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre. Waxa uu 1982-kii u shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda qeybteeda Keydka (Central Archive), iyada oo uu markii dambena isla halkaas ka noqde Xisaabiye ilaa 1985-kii.

 

1985-1988-kii waxa uu Farmaajo Maamule ka noqde Qeybta Lacagta ee Safaaradda Soomaaliya ee Washington, Mareykanka. 1994-kiina waxa uu noqday Guddoomiyaha Guryaha Buffalo, Newyorka, Mareykanka, iyada oo uu 2000-2002-dii ahaa  Isku Xiraha Dadka Laga Tirada Badan Yahay ee Degmada Buffalo, Newyork, Mareykanka. Markaas kadib, Farmaajo waxaa 2002-2010-kii uu ahaa Reysal Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxana uu ahaa Reysal  Wasaarihii 2-aad ee Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed. [1]

Waxbarashada

1966-1970- Dugsi Hoose, 1-da Luuliyo, Muqdisho, Soomaaliya

1970-1974- Dugsi Dhexe, Maxamuud Xarbi, Muqdisho, Soomaaliya

1974-1978- Dugsi Sare, Farsmada Gacanta Lafoole, Ahabeelada Hoose, Soomaaliya

1990-1994- Jaamacadda 1-aad, State University of New Yourk, Buffalo, Newyork, Mareykanka

1998-2000- Jaamacadda 2-aad, State University of New Yourk, Buffalo, Newyork, Mareykanka [2]

Waaya-aragnimada iyo Shaqada

 

1982-1985- Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimha Dibadda Soomaaliya, qeybta Keydka.

1985-1988- Maamule Qeybta Lacagta ee Safaaradda Soomaaliya ee Washington, Mareykanka

1994-kii- Guddoomiyaha Guryaha Buffalo, Newyorka, Mareykanka

2000-2002- Isku Xiraha Dadka Laga Tirada Badan Yahay ee degmada Buffalo, NY, Mareykanka

2002-2010- Reysal Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya [3]

 

[1] Hiiraan.com, http://www.hiiraan.com/op2/2010/oct/r_w_maxamed_c_maxamed_taariikh_nololeedkeyga.aspx

[2] Keydmedia.net, http://www.keydmedia.net/news/article/madaxweyne_sheekh_sharif_oo_magaacay_raisul_wasaare/

[3] Somalitalk.com, http://somalitalk.com/2010/10/17/11225/

About Black