Home / Siyaasiyiin / Cabdiwali Sheekh Axmed

Cabdiwali Sheekh Axmed

Taariikhda Dhalashada 1959  
Goobta Dhalashada Barbara  
Gobolka Dhalashada Waqooyi Galbeed  
Xirfadda Siyaasi, Dhaqaaleyahan  
Sooyaal Kooban:
Ababka iyo Barbaarinta

Cabdiwali Sheekh Axmed waxa uu Cilmiga Dhaqaalaha ka diyaariyay Jaamacaddii Ummadda ee Somali National University (SNU), Mogadishu, Soomaaliya, isaga oo Diploma ah Qorsheynta iyo Qiimeynta/Xulashada Mashaariicda (Diploma in Project Planning and Appraisal) Machadkii SIDAM, Muqdisho, Soomaaliya. Sidoo kale, waxa uu Diploma ah Maamulka Mashaariicda (Diploma in Project Management) ka ka haystaa Waaxda Beeraha Mareykanka ee The United States Department of Agriculture (USDA).

Cabdiwali waxa uu Diploma kale oo ah Maamulka Caafimaadka Xayawaanka (Diploma in Animal Health Management) ka haystaa isla Waaxda Beeraha Mareykanka ee The United States Department of Agriculture (USDA), APHIS. Diploma kale oo ah dhinaca Program-inta Computer-ada (Diploma in Computer Programming) uu ka qaatay Koleejka Algonquin College, Ottawa, Canada. Cabdiwali ayaa Darajada Jaamacadda 2-aad ee Jaamacadda ku diyaariyay Cilmiga Dhaqaalaha (M.A. in Economics), isaga oo ka qalinjabiyay Jaamacadda University of Ottawa Canada, waxaana Darajada Ph.D.-da uu kaga haystaa Ganacsiga Caalamiga ah iyo Hormarka (Candidate in International Trade and Development) Jaamacadda University of Ottawa, Canada.

1980-1990-kii ayuu Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed la shaqeeyay Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya, isaga oo1984-1990-kii ahaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Suuq-Geynta Xoolaha Nool & Wakaaladda Caafimaadka Muqdisho, Soomaaliya, halka uu1991-1998-kii ahaa Madaxa Shirkadda MISK Enterprises u joogay Magaalooyinka Nairobi, Jabuuti & Sanca

Intii u dhaxeysay 2003-2006-dii waxa uu Cabdiwali ahaa Maamulaha Barnaamij uu Midowga Afrika kala shaqeeyay oo ahaa Guddiga Ganacsiga Xoolaha Nool oo uu saldhigiisu ahaa Nairobi, sidoo kalena xafiisyo ku lahaa Jabuuti iyo Dubai. 2007-2009-kii waxa uu  Lataliye Sare oo dhinaca Xoolaha & Miyiga kala shaqeeyay u ahaa ururka Suuqa Guud ee Ganacsiga Bariga & Koofurta Afrika, Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA).

2010-2013-kii waxa Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ahaa Sarkaal Sare oo la shaqeynayay Bank-ga Hormarinta Islaamka, iyada oo 2013-2014-kii uu ahaa Reysal Wasaaraha Soomaaliya. [1]

Waxbarashada

Heerka 1-aad ee Jaamacadda, Kuliyadda Dhaqaalaha (Lauria in Economics), Jaamacadda Ummadda (SNU), Muqdisho-Soomaaliya

Diploma ah Qorsheynta & Qiimeynta Mashruuca (Project Planning and Appraisal), SIDAM, Muqdisho-Soomaaliya

Diploma ah Maamulka Mashruurca (Project Management, USDA

Diploma ah Maamulka Caafimaadka Xayawaanka (Animal Health Management), USDA, APHIS

Diploma ah Barnaamijiyeenta Kombuyuutarka (Computer Programming), Algonquin College, Ottawa, Canada

Heerka 2-aad ee Jaamacadda, Dhaqaalaha, Jaamacadda University of Ottawa, Canada

Heerka 3-aad ee Jaamacadda (Ph.D.), Ganacsiga Caalamiga ah & Hormarka (International Trade and Development), Jaamacadda University of Ottawa, Canada

Waaya-aragnimada iyo Shaqada

 

1980-1990- La Shaqeeyay Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya

1984-1990- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Suuq-Geynta Xoolaha Nool & Wakaaladda Caafimaadka Muqdisho, Soomaaliya

1991-1998- Madaxa Shirkadda MISK Enterprises ee Magaalooyinka Nairobi, Jabuuti & Sanca

2003-2006- Maamule Barnaamij oo Midowga Afrika kala shaqeeyay Guddiga Ganacsiga Xoolaha Nool

2007-2009- Lataliye Sare oo dhinaca Xoolaha & Miyiga kala shaqeeyay ururka COMESA

2010-2013- Sarkaal Sare oo la shaqeynayay Bank-ga Hormarinta Islaamka

2013-2014- Reysal Wasaaraha Soomaaliya

 

 

[1] http://www.raxanreeb.com/2013/12/akhri-taarikhda-rwasaaraha-cusub-ee-soomaaliya-cabdiweli-sheekh-axmed/

 

W.D. Mustaqbal Media Corp.