Home / Siyaasiyiin / Cumar Carte Qaalib

Cumar Carte Qaalib

Taariikhda dhalashada 1930  
Goobta Dhalashada Soomaaliya  
Gobolka Dhalashada Soomaaliya  
Shaqada Ciidan  
Sooyaal Kooban:
Ababka iyo Barbaarinta

·        Cumar Carte Qaalib waa siyaasi Soomaaliyeed, waana Reysal Wasaarahii ugu dambeeyay ee dowladdii Militariga ahayd ee Jen. Maxamed Siyaad Barre. Sidoo kale Waa Reysal Wasaarihii ugu horreeyay dowladdii Cali Mahdi Maxamed, oo timid dhicistii Taliskii Siyaad Barre ka dib.

·        1969-kii dhamaadkeedii illaa iyo xilligii billowga dagaalkii Soomaaliya iyo Ethiopia 1977-kii ayuu Soomaaliya u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda. Hadda waxa uu ku nool yahay dalka Sacuudi Carabiya.

·        Markii uu dhintay Madaxweynihii ugu horreeyay ee maamulka Somaliland dhicistii Taliskii Siyaad Barre kadib, waxa uu isu soo sharaxay inuu madaxweyne ka noqdo Somaliland.

·        Waa siyaasi uu wiilkiisa, Maxamed Cumar Carte, ka noqday Reysal Wasaare Ku-xigeen dowladda uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

·        Waxa uu Somalia ku daray Jaamacadda Carabta, intii uu ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda ka ahaa Soomaaliya.

Waxbarashada

Waaya-aragnimada iyo Shaqada

 

§  1969 – 1977-kii wuxuu Cumar Carte Qaalib ka soo ahaa Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Dibadda.

§  1991 – 1991-kii wuuu ahaa Reysal Wasaarihii Soomaaliya, xilligaas oo ahayd markii ugu dambeysay Taliskii Maxamed Siyaad Barre ee Soomaaliya.

§  Isla 1991-kii illaa 1993-kii ayuu u ahaa Reysal Wasaare dowladdii Cali Mahdi Maxamed, oo lagu soo dhisay dalka Jabuuti, markii ay jabhaduhu rideen dowladdii militariga ahayd kadib.

§  2003-dii markii madaxweynihii Maamulka Somaliland geeriyooday kadib ayuu isu soo sharaxay jagada madaxweyninimo ee Somaliland.

 

W. D. Mustaqbal Media Corp.

About Black