Home / Cayaaraha / TAARIIKHDA XASAN ERREY:

TAARIIKHDA XASAN ERREY:

Xasan Xuurshow Errey, wuxuu ku dhashay Jala-laqsi 1927kii, wuxuu ahaa Nin jecel ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, wuxuuna ahaa kabiir aad iyo aad ugucaansan ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka. hase yeeshee Errey wuxuu u soo tallaabay magaaiada Xamar 1935kii markii uu gartay noiosha magaalada, wuxuu ku soobiiray ciyaarta kubbadda cagta wuxuu taageero u noqday kooxda SYL iyo kooxdaDeebow (Transport), wu­xuuna ku soo shaac baxay taageeri aad iyo aad uweyn.Ugu dambaystii wuxaa u tallaabay kooxda Dowladda Hoose wuxuuna ku soo raacay ciyaar wanaag iyo karti wuxuuna goobaha lagu ciyaaro uga muujin jiray koox­da Dowladda Hoose qaylo iyo dhoollatus wuxuuna taageeridda Dowladda Hoose ku mutaystay inuu kooxda  raaco dalka Kiinya.Xasan Errey wuxuu caan ku yahay qaylo dheer uuku yiraahdo (Aarbiitaro ookiyaal qaado) Errey wuxuu ka mid yahay taageerayaasha waaweyn ee dalka Soomaaliya.

 

Xigasho: Buugga Gool

Qoraa: Axmed Max’uud Dhicisow.

About Black