Home / Cayaaraha / TAARIIKHDA XAAYOW:

TAARIIKHDA XAAYOW:

Maxamed Xaayow Gaashaanyare (Xaayow) wuxuu ku dhashay Warsheekh sannadku markuu ahaa 1923kii. wuxuu ku barbaaray Xamar wuxuu si daran u jeciaa ciyaaraha Shiribka, Waalada iyo Wareegtada, kuwaasoo ka mid ah ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, hase yeeshee, wuxuu jaclaystay inuu u soo tailaabo ciyaaraha caalamka ee kubbadda cagta, wuxuuna ciyaarta kubbadda cagta ku soo biiray san­nadku markuu ahaa 1942kii, wuxuu u saftay kooxda Xamar Weyne qaybta (C) wuxuuna ku soo baxay ciyaaryahan mustaqbal wanaagsan leh. Muddo markuu fagaaraha lagu tartamo karti iyo dadaal ka muujiyey wuxuu ka cawirmay lugta midig dabadeedna wuxuu ka fariistay ciyaarta kubbadda cagta.

 

Xaayow wuxuu ka mid ahaa toddoba dhallinyaroOo isticmaarku ku xiray ciyaarta kubbadda cagta markii ay ku doodeen inay ka soo hor jeestaan caddaanka.Tirada yar ee sida sharci darrada ah uga talin jiraydalka Soomaaliya. Muddo markii ay xabsiga jiifeen waxaa ka soo saaray dhallinyaro gobanmmodoon ah. Xaayow wuxuu ka sii ambaqaaday xabsigaa la dhigay inuu xiisa gaara u yeesho ciyaaraha, wuxuuna bilaabay inuunoqdo taageere dhiirrigeliya ciyaaryahannada dalkaSoomaaiiva. Isagoo taageere u noqday kooxda Muqdisho, hase yeeshee, muddo gaaban kaddib wuxuu taageeridiisii u wareejiyey Kooxda LL.PP. Wuxuuna ku soo baxay taageere daacad ah. Wuxuu mutaystay Shahaaddo Sharafyo fara badan. WuxuWasaaradda Ciyaaraha ka mutaystay inuu ka qayb galo ciyaar saaxiibtinimo ah ee ka dhacay dalkaImaaraadka Carabta, Abuudabay. Xaayow wuxuu caan ku yahay oo fagaaraha ciyaaraha looga yaqaan fooridi dheer iyo cimaamad ululidda kooxdiisa.

Xaayow wuxuu ka mid yahay taageerayaasha dalka Soomaaliya qaarka loogu jecel yahay.

 

 

Xigasho: Buugga Gool

Qoraa: Axmed Max’uud Dhicisow.

 

 

 

About Black