Home / Cayaaraha / TAARIIKHDA CABDULQAADIR HOOLEEY:

TAARIIKHDA CABDULQAADIR HOOLEEY:

 

Cabdulqaadir Cabdi Hooley wuxuu ku dhashay Beled Weyne I938kii wuxuu ku barbaaray Beled Weyne. Hooleey wuxuu si wacan u jeclaa ciyaaraha guud ahaan gaar ahaan kubbadda cagta wuxuuna ciyaarta kub badda cagta ku soo biiray sannadkii 1949kii wuxuuna ku soo baxay ciyaaryahan karti fiican leh, hase yeeshee wuxuu ciyaarta kubbadda cagta ka fariistay ]950kii wuxuuna u tallaabay dhinaca taageerayaasha wuxuu taageere u noqday Naadiga Dowladda Hoose sannadku markuu ahaa 1950kii, wuxuuna ku soo shaac baxay taageere caan ah oo fagaaraha lagu hardamo laga aqoonsaday wuxuuna ku biiray taageerayaasha u diiwaan garaysan. Naadiga Dowladda House, intii taagee­re uu u ahaa Naadigaasi wuxuu ka qayb galay ciyaaro fara badan oo uu Naadigu u saftay waxaana ka mid ah Safarradii kooxda Dowladda Hoose ku tagtay GobolladaHiiraan iyo Hargeysa, wuxuuna goobaha lagu ciyaa ro ka muujiyey taageerid heer sare ah, hase yeeshee, wuxuu sheegay inuu weli ciyaartoyda cuslaatay ugu xarfaansan yahay markii laysku helo xeebta Liido.

Cabdulqaadir Cabdi Hooleey wuxuu ka mid yahay taageerayaasha waaweyn ee daika Soomaaliya.

 

Xigasho: Buugga Gool

Qoraa: Axmed Max’uud Dhicisow.

About Black