Home / Aqoonyahan / Taariikh-nololeedkii Prof Cali Xasan Maxamed

Taariikh-nololeedkii Prof Cali Xasan Maxamed

Prof Cali Xasan wuxuu ku dhashay magaalada Ceeldheer sanadkii 1944kii. Wuxuu ku barbaaray Muqdisho iyo Qaahira.

Ilaahay haw naxariisto e, Prof Cali Xasan Maxamed wuxuu ahaa keyd cilmi ah oo Ummadda Soomaaliyeed ka baxay. Wuxuu wax ku bartay dalalka Soomaaliya, Masar, Ruushka, Roomaaniya iyo Suudaan. Wuxuu haystay sideed shahaado heer jaamaceed iyo ka sarreeya, kuna kala qaatay muddadii u dhexaysay 1970-2002.
Wuxuu haystay laba shahaado oo bachelor ah, afar shahaado Diblooma sare ah, shahaado Master ah iyo shahaadada PhD. Wuxuu ku kala qaatay takhasusyo kala duwan, oo muhiim u ah nolosha iyo horumarka ummadda, kalana ah: Culuumta Bulshada, Taariikhda, Culuumta Siyaasadda, Istaraatiijiyada iyo Amniga Qaranka, Luqadda Carabiga, Daraasaadka Islaamiga, iyo Daraasadaha Afrika (African Studies).
Wuxuu waxbarashada ka shaqaynayay muddo nus qarni ku dhow (1970-2016). Wuxuu ku billaabay macallinnimo dugsiga sare sanadkii 1970kii, ka dibna maamule dugsi sare Jowhar iyo Boorama, iyo Guddoomiye waxbarasho ee Gobolka Mudug.

Ka dib wuxuu u wareegay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ka dhigayay Taariikhda iyo Culuumta Siyaasadda. Wuxuu soo noqday Hormuudka Kulliyadda Waxbarashada Lafoole 1983-85; Hormuudka Kulliyadda Saxaafadda iyo Culuumta Siyaasadda (1988-1990).


Jaamacadda Muqdisho wuxuu ka dhigayay maadooyinka Daraasaadka Soomaalida (Somali Studies) iyo Daraasaadka Afrika (African Studies). Wuxuu ahaa Guddoomiye-ku-xigeenka Akaadeemiyada ee Jaamacadda Muqdisho (1997 – 2016). Wuxuuna Jaamacadda Muqdisho ka qaatay darajada Bare Sare ama Professor sannadkii 2009.


Wuxuu caan ku ahaa hawlkarnimo, shaqo jacayl,.ilaalinta nidaamka iyo waqtiga.
Wuxuuna ku geeriyooday Muqdisho 14/3/2017. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo.

 

Xigasho: ISOS, Jaamacadda Muqdisho

About somaliwi