Home / Cayaaraha / Taariikhda Shan-cad

Taariikhda Shan-cad

Maxamed Xeyle Rooble (Shan-Cad), Wuxuu Ku Dhashay Xamar Sanadku Marku ahaa 1943kii,wuxuuna ku soo barbaaray xamar , Shan-cad,wuxuu yaraantiisii jeclaa ciyaarta kubbadda cagta,wuxuuna ku soo caan baxay bacaadaha iyo fagaarayaasha dhallinyarada ku hardanto,wuxuuna ciyaarta kubbadda cagta ku soo biiray sannadkii 1954kii,wuxuuna u saftay kooxda Warshiikh,ee qaybta(B) wuxuuna ku soo baxay cayaaryahan khatar ah oo aan sahal loo dhaafi karin,wuxuu u tallaabay kooda Deebow,sannadkii 1958kiiwuxuuna kaalin weyn ka qaatay kor uqaadidda Naadiga Deebow,wuxuu ku soo baxay ciyaaryahan weerarka iyo difaaca ku fiican,wuxuu caan ku noqday garoomada lagu hardamo ee dalka soomaaliya.

 

Shan-cad wuxuu ciyaarta ka fariistay sannadkii 1959kii wuxuu ku biiray ciyaartoyda cuslaatay. Shan-cad wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii ugu caansanaa Dalka Soomaaliya.

 

Xigasho: Buugga Gool

Qoraa: Axmed Max’uud Dhicisow.

About Black