Home / Uncategorized / Taariikhda Faraqajaan

Taariikhda Faraqajaan

Muxyadiin Maxamuud Maxamed (Faraqajaan),wuxuu ku dhashay cadale sannadka markuu ahaa 1944kii  wuxuu yaraantiisii jeclaa ciyaaraha kubbadda cagta,wuxuuna sii jeclaa inuu noqdo garsoore,wuxuu bilaabay inuu fagaaraha dhallintu ku ciyaarto uu garsoore ka noqdo,isagoo garsoore ka noqday garoonka SIISI,wuxuuna ku soo baxay garsoore dhallinyarada bacaadka ka ciyaarta eey jecelyihiin. Wuxuu ka qayb galay kooris garsoorayaal kubbadda cagta sannadka markuu ahaa 1963kii wuxuuna mutastay shahaadada heerka 1aad.

 

 

Faraqajaan mudda fara badan markuu ahaa calan haye uuna muujiyay dadaal iyo karti, waxaa seeriga loo dhiibay sannadkii 1966kii wuxuuna noqday garsoore aad iyo aad loogu kaloonyahay,markii uu mudo badan seeriga ciyaaraha u hayey,wuxuu ku guuleystay shahaadada heerka  2aad iyo 3aad wuxuuna ka qayb galay kooris caalami ah ee ururka FIFA ,wuxuuna  dhex-dhaxaadiyay saddax ciyaarood oo caalami ah .

 

 

Ciyaaraha uu garsoore ka noqday wax dhibaato ah Kama imaan wuxuuna mutastay shahaadada caalamiga ah ee ururka FIFA. Faraqajaan wuxuu ka mid yahay garsoorayaasha waayweyn ee dalka soomaaliya.

About Black