Home / Fanka / Taariikhda Cusmaan Gacanlaw AUN

Taariikhda Cusmaan Gacanlaw AUN

25-bishii April sanadkii  2013kii waxaa Magaalada Hargaysa ku geeriyooday Allaha u Naxariistee Fanaan Cismaan Maxamed Cabdikariim (Gacanlaw) oo lagu xasuusto in kaalin muuqata uu ka qaatay Fanka Soomaaliyeed.

Cismaan Maxamed Cabdikariim Gacanlaw waxa uu ku dhashay deegaanka Qorilugud oo ka tirsan gobolka Togdheer horraantii afartameedyadii

Cismaan wuxuu  ku barbaaray  magaalada Berbera  halkaasoo  uu ka bilaabay fanka sanadkii 1957 isaga oo  qaaday heeso qaraami  ah oo uu u dhiibay Maxamed Ismaaciil Barkhad cas oo isna geeriyooday.

Dhammaadkii 1957kii ayuu Gacanlaw u soo wareegay magaalada Hargeysa waxaanuu  ku biiray kooxdii walaalaha Hargeysa

Dabayaaqadii sanadkii 1959kii  ayuu ka qaybqaatay riwaayaddii  la oran jiray “laguma dhaamee dhaqaaq” oo uu lahaa Abwaan Saxardiid Maxamed Jebiye “  waxayna riwaayaddaa  ku wada jireen  Xaliimo Khaliif Magool oo ay ka wada qaadeen heesta  “Daahir,  Deeqa arramidaadii “.

Cismaan waxa uu ka qaybqaatay riwaayado kale oo uu Saxardiid sameeyey waxaanu qaaday heeso kale oo uu isla Saxariid sameeyey sida heesta “ Calaf duug ma yeeshee” oo ay Magool la qaaday .

Cismaan Cabdikariin Wuxuu heeso badan oo kale qaaday markii ay magaalada Hargeysa  u soo wareegtay xaliimo Khaliif Magool  1960kii.

Abwaan Cali Sugule ayaa isna heeso dhawr ah u dhiibay sida heesta “ mar hadaan nasteex ku  dhagay midigtayda  meesha aan doono waa in aan mushaaxo “. Oo ay la qaaday HIbo Nuura 1962kii.

Heesta “ Dhallinyarada joogta  dhaqa maaldhiga lacagta “ Maxamed Cumar Huryo ayaa lahaa sannadkii 1965kii ayey soo baxday

Waxa uu ka qaybqaatay riwaayaddii “ Aabahay ka samree adiga“  oo uu lahaa  Maxamed Cali Kaariye sanadkii 1973, wuxuuna ka qaaday heesta  “Halkeebaynu joognaa oo Magool kula luuqeyso.

Sidoo kale waxa uu qayb ka ahaa  jilitaanka riwaayaddii  “ Dumistii aqalkayga iyo arooskii inankayga oo uu curiyey Abwaan   Xasan Ganey sanadkii 1978  wuxuuna  ku matalaayey oday dhaqameed .

Bandhigii  Laagoos  ee dalka  Naygeeriya  ay hobolada Waaberi ku tageen  1977  waxa uu ka qaaday  heeso badan   waxaana Abwaan Cali Sugule oo ka sheekeeyey uu yiri  “ heesaha uu Cismaan Gacanlaw qaaday waxaa qarkood  u tumaayey  50 fanaan oo  qalabka kala duwan ee codka sameeya haysta  “ waxaana bandhigaasi ku wehelinayey badi hoboladi caanka ahaa ee Waaberi sida  kuluc , Maxamed Yuusuf, Nakruuma,  Magool ,  Qalanjo, Tubeec iyo fannaaniin kale oo aad u badan.

Heesaha kale ee uu qaaday waxa ka mid ahayd , “ Awr dhigo lehbaa igu buubayoo “  oo ay Magool la qaaday laxankana uu saaray  Cali sugule.

Cismaan Maxamed Cabdikariim  Wuxuu door  lixaad leh ka qaatay soo saarista heeso ku salaysan dhaqan, jacayl iyo waddanimo oo ay wehliyaan heesaha qaraamiga  waxaanu ahaa fannaan luuq dheer ku heesa oo awood u leh inuu qaado heesaha aadka loo jiido ku dhawaaqistooda.

Cismaan Maxamed Cabdikariim Gacanlaw Sanadkii 1980kii ayuu fanka ka baxay waxaanu tagay dalka Imaaraatka halkaasi oo uu  ganacsi ka bilaabay.

Intii ka dambaysayna muu heesin  waxaanu ku noolaa  magaalada Burco wixii ka dambeeyey 1990kii illaa 25 bishii April ee sanadkii 2013ki oo uu ku geeriyooday magaalada Hargeysa Allaha unaxariisto.

W/D:- Bashiir Maxamuud Wehliye

Xigasho: Goobjoog

About somaliwi