Home / Taariikh / Abaar ka dhacday Muqdisho I930-kii (Magaca Villagio Arab)

Abaar ka dhacday Muqdisho I930-kii (Magaca Villagio Arab)

Sheekooyinka taariikheed ee ku keydsan maskaxda Sheekh Mukhtaar ma tiro yara. Mid ka mid ah waxay ka dhacday Muqdisho sanadkii 1932-dii Sheekh Mukhtaar xilligaas ay abaartu dhacayso Muqdisho kuma sugneyn, ee waxaa uga sheekeeyay nin ay saaxiib ahaayeen oo turjumaan ahaa oo Sheekh Cali Dheere la dhihi jiray.

Qisadu waxay ahayd: Guddoomiyihii gobolka Banaadir oo Talyaani ahaa, magaciisuna ahaa ‘Corseal’ ayaa u yeeray Carabtii magaalada Muqdisho deggeneyd.Wuxuu yiri: “waad aragtaan abaar daran ayaa dalka ka jirta, dowladda Talyaanigana wixii karaankeeda ah waxba lamaysan harin, illaa iyo haddana waa waddaa dadaalka, oo illaa iyo Suudaan ayaan raashin ka keennay ee adinka waxaa laydinka rabaa inaad mucaawino bixisaan, waadna ogtihiin inaad idinka dhulkaan ka ganacsataan oo wixii ay hanti lahaayeen aad la wareegteen.” Carabtii way ku gacan seyreen hadalkii uu u soo jeediyay Guddoomiyihii Gobolka. Waxaa Carabtaasi caado u ahayd in xitaa sakada maalkooda ka go’da ay u diraan dalalkii ay ka yimaadeen. Markii hore ee ay dalka imaanayeen Carabtaasi maysan ahayn dad hantiileyaal ah, oo sidooda badan askarnimo ayay Talyaaniga ugu shaqeyn jireen.

Muddo markay ciidankii Talyaaniga ku jireen ayay ka ruqseysteen oo ay ganacsi billaabeen. Waxaa kaloo jiray dad iyaga la qaraabo ah oo ka daba yimid. Markay ka soo horjeesteen inay mucaawino bixiyaan ayaa guddoomiyihii gobolka uu fekeray. Wuxuu dejiyay qorshe ah in Carabta dhulkii ay deggenaayeen laga raro, meel aan hadda ka hor la deginna loo raro. Wuxuu Guddoomiyihii Gobolku amar ku bixiyay in si deg deg ah loo geedqaado dhul cusub oo uu ugu magac daray (Xaafaddii Carabta ama Villagio Arab), si deg deg ah inay dhulkaas ugu guuraan ayuu isla markaasi amar ku bixiyay, sidii ayayna uga soo guureen dhulkii ay awal horay u deggenaayeen oo u badnaa aagga Xamar-Weyne. Berigaas baabuur wuu ku yaraa dalka, gaadiidka kaliya ee la adeegsan jirayna wuxuu ahaa gaari-dameer ama gaari-faras. Waxay Carabtii dantu badday inay ku guuraan oo ay alaabtoodii ku rartaan gaari-dameer, gaari-faras ama wax kastoo wax qaadi karay, meeshaasna Soomaali aan tiro yareyn ayaa shaqo ka heshay oo ku noolaatay. Sidoo kale wuxuu guddoomiyihii ka mamnuucay Carabtii inaysan magaalada gudaheeda ka furan karin goob ganacsi ah meel aan ka ahayn ‘Villagio Arab’. Goobihii ganacsiga ee laga soo raray sida dukaamadii iyo maqaayadihii dad Soomaali ah ayaa lagu wareejiyay.

About somaliwi