Home / Siyaasiyiin / Taariikh-nololeedkii Sheekh Mukhtaar, Guddoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne KMG ah

Taariikh-nololeedkii Sheekh Mukhtaar, Guddoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne KMG ah

Waxay ahayd sanadkii 1913 markuu Sheekh Mukhtaar ku dhashay meel baaddiye ah oo magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay u jirta qiyaastii 25 km, laguna magacaabo“Caasho- gaabo”. Dhulku maahayn deegaanka qoyska uu ka dashay ay dhaqan ahaan dagaan, oo dhinaca Xudur ayay ka soo guureen, iyagoo soo naq-raacay deegaanka Baydhabo oo markaasi roobab haleelay kadib aaran ahaa.

Xilliga uu Sheekh Mukhtaar dhashay wuxuu ahaa markii ay figtii ugu sarreysay marayeen dagaaladii lagala soo horjeeday gumeystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska ee qeybo ka mid ah dhulalka Soomaalida gumeystay.

Marka laga yimaado waxa caalamka ka aloosnaa, waxaa dalka Soomaaliya gaar ahaan gobollada koonfureed si weyn isugu sii fidinayay gumeystihii Talyaaniga. Sanadkii 1913-kii oo aheyd sanadkii uu Sheekh Mukhtaar dhashay, Talyaanigu wuxuu qabsaday Baydhabo iyo Buurhakaba oo ka wada tirsan gobolka Baay, kadib markii sanadkii kaas ka horeeyay ee 1912-kii uu soo qab- saday magaalooyinka Wanlaweyn, Balcad, Mahaddaay iyo Buulo-burde, Halka sidoo kale sanadkii I914-kii uu ku sii fiday Waajid, Tayeeglow iyo Xudur. Xilliga ay dhalashada Sheekh Mukhtaar ku soo beegantay oo ahayd xilli la-daggaallan weyn lagula jiray gumeystayaashii dalka xoogga ku qabsaday, waxay Sheekh Mukhtaar ka dhigeen inuu yeesho shakhsiyad waddan- jacayl ah iyo nacayb weyn oo uu gumeystaha iyo inta kalkaashaba u qabo.

Deegaankii uu Sheekh Mukhtaar ku soo barbaaray

Sheekh Mukhtaar aabihiis Allaha u naxariistee Maxamed Xuseen wuxuu geeriyooday isagoo 5 sano jir ah, wuxuuna ku geeriyooday deegaanka Berdaale oo Baydhabo nawaaxigeeda ah. Sheekh Mukhtaar aabihiis qoys hore ayuu lahaa, waxayna ahaayeen saddex rag ah iyo labo dumar ah. Markuu Sheekh Mukhtaar dhalanaayo dad waaweyn oo reero leh ayayba ahaayeen. Hase ahaatee Sheekh Mukhtaar hooyadiis, iyadana Allaha u naxariistee Xabiibo Mursal Aadan waxay dhashay afar carruur ah: saddex wiil iyo gabar. Wiil isagoo yar ayuu dhintay. Wiilka ugu weynaa ee hooyadiis curadkeeda ahaa waxaa la dhihi jiray Caliyow, gabadhana Faadumo. Intay hooyadii dhashay Sheekh Mukhtaar ayaa ugu yaraa. Hooyadiis waxay geeriyootay sanadkii 1933-kii isagoo markaasi 20 jir ah.

 

 

Heerarka waxbarasho

Waa la dareemi karaa dhibka uu waxbarashada ka mudan karo wiil agoon ah, oo weliba geerida aabihii ay ku soo beegantay da’da shan sano jirka ah oo ah da’da carruurta waxbarasho la geeyo, gaar ahaan Quraanka oo illaa iyo maanta Soomaalida ay dhaqan u leedahay inay carruurtooda ku anqariyaan barashada Quraanka kariimka, si aasaaska waxbarashadu ay u noqoto mid barakeysan, taasina ugumaba sii jirto iyadoo adeegga waxbarasho ee deegaankii uu ku dhashay laga heli karay uu ka ahaa dugsi-Quraanka oo kaliya.

Inkastoo Sheekh Mukhtaar uu ku dhashay deegaanka Baydhabo, haddana reerkoodu waxay muddo kadib u soo guureen dhankaa iyo Xudur oo xaaladdii nololeed ay ka soo reysay. Hase yeeshee, muddo kadib, iyadoo markan uu Sheekh Mukhtaar 13 sano jir yahay ayay reerkoodu ku soo noqdeen deegaankii Baydhabo, halkaasoo markani ay si rasmi ah u degeen, beerana ka qoteen. Dugsi lama geynin, hase ahaatee wuxuu intaasi ku howlanaa oo waqtigiisuna uu u qeybsanaa mar uu lo’ ama geel raacaayo. Sanadkii uu 14 jir ahaa ayuu isaga qudhiisa dugsi is geeyay, iyadoo aysan jirin cid wehlisay. Waxaa riixayay xiisihii iyo jacaylkii uu u qabay inuu waxbarto, balse ay duruufuhu u diideen. Dugsigii isaga ahaa ma dhameysane, iyadoo uu Quraanka dhex-bartanka ka marayo, ahaydna muddo sanad ah kadib markii uu ku biiray dugsiga, ayaa deegaankii abaar darani ka dhacday oo lagu kala haaday, wuxuuna dib ugu noqday xooloraacistii. Wuxuu xilligaasi ahaa markuu 15 sano jiray. Macallinkii ugu horreeyay ee alifka u billaabay wuxuu magaciisu ahaa Aadan Axmed Ibraahim.

 

In mudddo ah markuu xoolo-raacistii ku jiray, ayaa sanadkii uu 19 sano jiray uu ka tagay gurigoodii, isagoo u xareystay magaalada Waajid, halkaasoo uu Quraanka ku dhammeeyay afar sano kadib. Xilligaas waxay da’diisu ahayd 23sano. Waajid markuu tagay Macallin Caliyow Xasanow dugsigiisa ayuu galay, halkaasoo uu Quraanka ku dhammeeyay. Maadaama barigaas aysan deegaanadaasi iskuullo ka jirin, goobta kaliya ee cilmiga malkada u ahayd waxay ahayd masaajidda. Degmada Waajid masjidka ku yaalla ayuuna ka billaabay raacashada kutubka yaryarka ah ee furaha u ah barashada axkaamta, sida Safiinaha iyo Abuu-shujaaca isagoo sidoo kale baran jiray luqadda Carabiga iyo qaaciddooyinkeeda oo fahamka dhabta ah ee diinta Is- laamka gundhig u ah. Wadaadkii laqbada (naxwaha Carabiga) u billaabay waxaa la oran jiray C/laahi Ajuuraan oo asal ahaan reer Baardheere ahaa, laakiin waqtigaas Waajid ayuu deggenaa. Wixii waqtigaas ka dambeeyay culimo kala duwan ayuu kutubta ka akhristay oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Axmed C/samad, Sheekh Aadan Rooble, Sheekh Cumar Cawlyahan iyo Sheekh Qaasim. Hase yeeshee, muddo kadib oo ah markuu ganacsiga iyo baarlamaanka soo galay iyo waqti aan gadaal ka faaqidi doonno oo uu qaalli ka ahaa Muqdisho ayuu Sheekh Mukhtaar akhristay kutubta xadiiska iyo tafsiirka Quraanka. Dhanka axaadiista Bukhaari iyo Muslim labaduba wuu akhristay, isla markaana dhanka tafsiirka kutubta Maraagi iyo Jumali ayuu raacday.

 

Howlihii ganacsiga

Sheekh Mukhtaar Muddo dheer hadduu cilmi raacasho u go’ay, ayaa sanadkii 1941-dii oo uu 28 jirsaday, uu ku biiray howlaha ganacsiga. Qaabkii uu ganacsiga ku billaabay waxay ahayd isagoo xerow ka ah Waajid ayaa waxay saaxiib noqdeen nin la oran jiray Cabdi Liibaan Cilmi , hase yeeshee dhulkaas waa hore tagay oo Xudur ku barbaaray, muddana dowladda u shaqeeyay; hase ahaatee waxaa Cabdi Liibaan shaqada laga saaray kadib markay is dagaaleen isaga iyo nin turjubaan ka ahaa meeshuu ka shaqeynayay, isla markaana makiinadda garaaci jiray. Way is dacweeyeen, dabadeedna isaga ayaa shaqadii laga saaray. Shaqadaasi ayuu lacag badan ka keydsaday. Markuu shaqadii ka tagay, ayuu dukaan ka furtay degmada Waajid. Markuu Cabdi Liibaan la dhacay aaminnimada Sheekh Mukhtaar ayuu mar kasta oo uu meel aadaayo uu dukaanka uga tagan jiray Sheekh Mukhtaar. Cabdi Liibaan oo ay qaraabo ahaayeen Jirde Xuseen ayaa la taliyay Sheekh Mukhtaar, kuna yiri: “Ninyahow hadda kadib baaddiye kuma noqon doontide, ganacsi iska billow, oo xisaabta baro”. Sheekh Mukhtaar taladii ayuu u riyaaqay, isaga ayaana markaasi u billaabay xisaabaha aasaasiga ah. Maadaama xilligaasi aanan waxbarshada la af-Soomaaliyeynin, oo ereybixinnada maanta la adeegsado aanay jirin, wuxuu Allaha u naxariistee Cabdi Liibaan xisaabta ugu sharxi jiray af-Talyaani, isla markaa Sheekh Mukhtaar af Talyaani fiican ma aqoon, oo Carabi ayuu ku sii qoran jiray, maadaama uu Carabiga si fiican wax ugu fahmayay. Wuxuu Sheekh Mukhtaar ka bartay Cabdi Liibaan afarta xisaab ee aasaasiga ah ama loo yaqaanno ‘xisaab-fallada’, wax weyna ka anfecaysa qofkii ganacsi ku biiraya.

 

Muddo kadib Cabdi Liibaan wuxuu Sheekh Mukhtaar faraha ka saaray lacag gaareysa 10,oo0 (toban kun) oo shilin oo uu ku yiri. “waa inaad ganacsiga ku barataa”. Sheekh Mukhtaar tobankii kun ayuu soo qaaday, wuxuuna la soo aaday magaalada Baydhabo, geel ayuuna ku gaday. Wuxuu geelii geeyay Qallaafe oo ka tirsan dhulka Soomaalida Itoobiya, halkaasoo geelii looga iibsaday, nasiib wanaag faa’iido badan ayuu ka helay. Dib ayuu u soo noqday Sheekh Mukhtaar, wuxuuna soo maray magaalooyinka Mustaxiil iyo B/weyne, sidaas ayuuna Muqdisho ku soo gaaray. Markuu Muqdisho yimid ayuu lacagtii dhar geliyay, wuxuuna soo aaday degmada Waajid. Markuu dharkii keenay ayaa waxaa kala wareegay saaxiibkiis Cabdi Liibaankii lacagta raasul-maalkeeda lahaa. Wax yar kadib Cabdi Liibaan wuxuu Sheekh Mukhtaar ku wareejiyay lafihii iyo faa’iidadii dharka laga helay. Xoogaa kadib way isa soo raaceen labadoodiiba, waxayna wada yimaadeen magaalada Baydhabo. Geel iyo lo’ badan ayayna ka gadeen halkaasi. Xoolihii ay Baydhabo ka gadeen waxay geeyeen magaalada Qallaafe. Nasiib- darro sidii safarkii hore oo kale ma noqon oo xoolihii wax beec fiican u gaara ayay waayeen, magaalada Qabridaharre ayay haddana geeyeen sidiiyoo kale xoolihii waa laga gadan waayay. Way soo dhaafiyeen, markay Dhagaxbuur marayaan ayay lo’dii beec u heleen, geeliina wixii hilib lahaa ayaa laga iibsaday, wixii dhaqaasha ahaana waxaa la sii gudbay Cabdi Liibaan oo illaa Hargeysa la tagay. Sheekh Mukhtaar wuxuu ku haray Dhagaxbuur, in cabbaar ahna uu joogay wuxuu ku soo noqday Waajid oo ay isugu yimaadeen Cabdi Liibaan.

 

Sheekh Mukhtaar inuu u gaar noqdo ganacsigiisa waxay timid kadib rnarkii la dilay Allaha u naxariistee Cabdi Liibaan Cilmi iyadoo Sheekh Mukhtaar markaasi uu Itoobiya safar ganacsi ugu maqan yahay. Sida falka dilku ku dhacay waxay ahayd Cabdi Liibaan ayaa ka ambabaxay Waajid kadib markuu xoolo ka iibsaday. Rag u dhashay beesha Af-gaab ayaa ku dilay meel la yiraahdo “Ceel-karri”, wuxuuna markaasi Cabdi Liibaan ku siijeeday “Gonder” oo Itoobiya ka tirsan. Sababta ay u dileen waxay ahayd inay ka dhacaan xoolaha uu watay. Lacag badan oo caddaan ah ayuu jawaanno ku qaaday, waxaana berigaas faa’iido badan laga heli jiray sarrifka lacagaha. Markii la dilay waxay ahayd sanadki’i 1943-dii oo ku beegan sanadkii la aasaasay Xisbigii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYC (markii dambena isku beddelay/ SYL). Sheekh Mukhtaar markii Leegada lagu dhawaaqayay wuxuu joogay magaalada Harar, hase yeeshee markuu soo baxay oo uu soo marayo ‘Wardheer’ ayaa isagoo baabuur saaran nin ay halkaasi isku arkeen uu u sheegay geerida Cabdi Liibaan. Si aad ah ayuu uga naxay geerida ku timid saaxiibkiis.

 

Sanadkii 1945-tii Sheekh Mukhtaar wuxuu ku soo noqday Waajid oo ay ku noolaayeen xaaskii iyo carruurtii uu ka tagay saaxiibkiis Cabdi. Mar alla markuu yimidba, wuxuu lacag hayay ayuu xisaabiyay; raasumaalkiisii iyo wixii faa’iidada ku soo aadday ayuu ku wareejiyay xaaskii uu ka geeriyooday Cabdi Liibaan, isagana intii soo hartay ayuu ganacsigiisii ku sii watay. Lacagta Sheekh Mukhtaar lagu wareejiyay markii hore maahayn deeq, ee waxay ahayd mid lagu yiri ku ganacso, wixii ka soo baxana waan wadaageynaa. Allaha u naxariistee Cabdi Liibaan xaaskii uu ka tagay qaraabo ayay Sheekh Mukhtaar dhan ka ahaayeen, waxayna u dhashay labo gabdhood. Nin magaciisu ahaa Ibraahim ayaa islaantii guursaday. Ibraahim wuxuu deggenaa meel “Ceel-karri” korkeeda ah oo “Goobo” la yiraahdo, isagii ayaana dhoofiyay carruurtii Cabdi oo dhanka Waqooyi ee Soomaaliya geeyay.

 

Guurkiisii

Dhaqan ay xerta daalibul-cilmiga ahi leeyihiin, miyi iyo magaalo key doonaanba hajoogaaane, ayaa ah guursashada haweenka garoobka ah. Sababo la dhihi karo waa ku kallifaan ayaa la sheegaa, kuwaasoo ay ugu horreeyaan duruufo dhaqaale. Sida caadada ah guursashada gabar da’ yar, waxay u baahan tahay inaad bixiso hanti aad u badan, hase yeeshee haweeneyda garoobka ah, waxay u badan tahay inay iyadu tahay tan dhaqaale ahaan gacan siisa xerowga, waana taas sababta ugu weyn ee ay xertu uga macaashto haweenka garoobka ah.

Sheekh Mukhtaar maadaama xerow cilmi doonaya uu ahaa, dhaqaale la sheegaana uusan wadan, wuxuu ka fursan waayay inuu guursado. Wuxuu magaalada Waajid ku guursaday haweeney garoob ah oo u dhashay wiil; nasiib darro wiilkaasi habeenkii uu dhashay habeenkii xigayba wuu geeriyooday. Xaaskii iyada ahayd iskuma aysan nagaan oo way kala tageen. Muddo kadib xaas kale oo la yiraahdo Kheyro Iidoor ayuu ku guursaday Waajid, iyadana saddex wiil ayay u dhashay. Nasiib-darro saddexdiiba waa geeriyoodeen, oo kii ugu weynaa ayaa saddex sano jir gaaray.

Muddo hadduu ganacsigii ku jiray, lacag fiicanna uu sameeyay, isla markaana uu siyaasadda ku soo biiray, ayaa Sheekh Mukhtaar sanadkii 1949-kii uu guursaday Faadumo Maxamed Xasan. Markuu Sheekh Mukhtaar guursaday Faadumo oo aad uga da’ yareyd ayay Xabiibo Xasanow aad uga maseyrtay xaaska kale ee uu Sheekh Mukhtaar guursaday illaa ugu dambeyntii markuu hayn kari waayay ay kala tagaan.

Sidoo kale sanadkii 1963-dii wuxuu Sheekh Mukhtaar guursaday xaas kale oo iyadana la yiraahdo Baar Xaaji C’usmaan Jirac. Baar wuxuu Alle kala siiyay 10 da’aad, oo illaah ha wada deystee, wada nool; halka Faadumo Maxamed Xasan ay iyadana hooyo u tahay 13 da’aad, oo 12 ay hadda ka nool yihiin. Dhammaantood Ilaahay ha wada ammaansado.

 

Sheekh Mukhtaar iyo Siyaasadda

Ku-biiristii SYL

Su’aal laga yaabo inay maskaxdaada ku soo deg degto ayaa noqon karta: ‘Sheekh Mukhtaar ganacsi iyo wadaadnimo ayaa lagu ogaaye, maxaa siyaasad ku soo dhex tuuray?’. Ma dhici kartaa inuu is arkay isagoo dhextaagan masraxa siyaasadda, mise waxay ahayd go’aan uu gaaray?. Waxaa hubaal ah in Sheekh Mukhtaar uu siyaasadda halgan dheer u soo maray illaa uu ka soo gaaray maqaamka ugu sarreeya hoggaanka dalka oo ah guddoomiyaha hay’adda sharci-dejinta dalka ama waxa baarlamaanka loo yaqaanno iyo weliba madaxweyne ku-meel gaar ah, ka hor intaanu Jen. Maxamed Siyaad Barre talada dalka qori caaraddii kula wareegin.

Siday ugu dhalatay aflaarta siyaasadeed waxay ahayd isagoo howlo ganacsi dartood u tegi jiray Muqdisho oo ay markaasi ka shidnaayeen ololeyaal wacyigelin ah oo ay wadeen dhallinyaradii Leegada aasaasay. Kun iyo kowjeer wuxuu Sheekh Mukhtaar arkay dhal- linyaradaas oo ku khudbeynaya: “Gumeysi ayaan ku jirnay. Intuu Talyaani joogay waad ogeydeen wuxuu dhib iyo kadeed nagu haayay. Habeenkii wixii gabbal-dhaca ka dambeeya cid socon kartay ma lahayn, qof feynuus wata maahine.

Labo qofoo meel isugu imaan kartay ma jirin. Hadda Ingiriiska ayaa xoogaa nafis ah laga helay. Dowlad na haysato ma leh, xornimo aan dalbanno, aan midow sameysanno, aan ka xorowno isticmaar dambe”. Sheekli Mukhtaar dhallinyaradaas afkaartooda ayuu si fiican ula dhacay. Hase ahaatee fal kasta dad mucaarada lama waayo, falkaasi xumaan iyo samaan kuu doonaba ha ahaadee. Nasiibdarro Culimada Soomaaliyeed ayaa intoodii badneyd ay ka hor yimaadeen qorshihii iyo baraamijyadii ay dhallinyaradu wadeen. Culimada qaar ka mid ah markay arkeen Sheekh Mukhtaar oo la shaqeynaya dhallin- yarada ayaa intay u yimaadeen ay k’u yiraahdeen: “ciyaalkaan jaahiliinta ah maxaa ku dhex dhigay nin culimo ah ayaad ahayde!” culimada sidaas ku dhihi jirtay kow iyo labo maahayn; hase yeeshee Sheekh Mukhtaar dhegjalaq uma siinin wararkaas ay ula iman jireen, wuxuuna ka-fiirsi kadib garwaaqsaday in dhallinyaradaasi ay kheyr soo wadaan. Sidaas ayuuna ugu horreyntii ugu qancay barnaamijka siyaasadeed ee ay dhallinyaradii Leegada wateen. Muddo kadib Naadigii Leegada ayaa Baydhabo laga furay.

Sanad-kii 1946-dii waxaa magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool laga furay xafiis uu leeyahay Naadigii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee loo yaqaannay Somali Youth Club (SYC), markii dambase la baxay (SYL), halkaas ayuuna Sheekh Mukhtaar iska diiwaan geliyay. Nin ay Sheekh Mukhtaar ilmo-adeer ahaayeen oo la oran jiray Maxamed Sheekh Cabdulle Xuseen ayaa Leegada faraceeda Xudur madax ka noqday. Walaalkiis Maxamed-Nuur Sheekh Cabdulle ayaa ku xigay oo noqday ninkii 2aad ee iska diiwaan geliya xafiiskaas, Sheekh Mukhtaarna wuxuu noqday qofkii saddexaad ee Xudur laga diiwaan geliyo. Sida uu Sheekh Mukhtaar werinayo, dadka Raxanweynta u dhashay ee dhulkaas dega, waxaa aad u saameeyay dacaayaddii Talyaaniga, dhegna umay dhigi jirin waxay Leegadu sheegeyso: “Daarood ayaa wata qorshahaan, oo dhulkiinaa la rabaa in lagu qaato, Daarood dhul lama-degaan ah ayuu deggen yahay. Dhoobeydaan iyo dhulkaan nacfiga leh ayuu u soo socdaa!.” Hadalladaas iyo kuwo la hal-maala ayaa loogu sheekeyn jiray dadka uu ka dhashay oo xisbiga Leegada cadaawad weyn ayay u qabeen, waxayna u arkayeen siyaasad dahsoon oo lagu dhagrayo.

Inkastoo ay jireen dad Raxanweyn u dhashay oo xil-kas ah oo aan dacaayadahaas raqiiska ah dheg u dhigi jirin, oo Leegada ku soo biiray, sidaasoy tahay naadigii Leegada waxaa aad u camiray dad ka tirsan beelaha kale ee Soomaalida, sida Daaroodka, Hawiyaha iyo Dirtaba. Sidoo kale waxaa naadiga Leegada bilay askartii booliiska iyo wixii kale ee sabab dowladeed ku tagay deegaankaas. Billowgii illaa boqol qof oo Raxanweyn ah ayaa Leegada iska diiwaan gelisay, waase looga badnaa, oo qabaa’ilka deggenaa dhulkii berigii loo yaqiinnay Alto Jubba ayaa uga badnaa. Balse dhanka haweenka waa ku fiicnaayeen, oo tiradaas Raxanweynta ah ee Leegada ku biirtay waxaa ugu badnaa haween. Wuxuu Sheekh Mukhtaar haweenkaas ka xusuustaa Faadumo Barakow, Xumeey Xasanow iyo Xabiibo-Leyla.

 

Dakhliga Leegada Xudur wuxuu waafaqsanaa nidaamkii Leegada guud ahaan dalka ay uga howl galeysay ee ku-tashiga jeebka xubnaheeda ahaa, nidaamkaas oo Leegadu ay ku kasban jirtay dhaqaale ay baahideeda ku daboosho. Qaabkaas waxaa lagu magacaabi jiray “mansiiliya” oo ah nidaam qofkiiba uu bil kasta bixinaayo hal shilin, waa qof kasta oo xubin ka ah ururka, rag iyo dumarba.

Mararka qaarkoodna tabarucaad ayaa la uruurin jiray, gaar ahaan markay xaalad deg deg ahi jirto. Xaruntii Leegada Xudur waxay ahayd dhisme baraako ah oo ay kiro ahaan ugu jireen. Hase ahaatee markuu Sheekh Mukhtaar sanadkii 1954-tii soo galay baarlamaankii daakhilayada ayuu u dhisay Leegada dhisme ay milki u leedahay. Maadaama  ay dhis-mayaasha dhagaxa ah markaas deegaanka ku yaraayeen, dhismihii uu Sheekh Mukhtaar u dhisay Leegada wuxuu ahaa baraako. Hase ahaatee, markuu Maxamed Siyaad Barre dalka qabsaday dhismihii Leegada waa lala wareegay, falkaas oo Sheekh Mukhtaar uu u aqoonsan yahay inuu dhac bareer ah ahaa, muddo kadibna meeshii banki ayaaba laga dhisay.

Si waafaqsan qaanuunka Leegada, Axad kasta ayay shiri jireen hadday yihiin Leegadii Xudur, taasina waxay ahayd dhaqan ay ka sinnaayeen Leegada meel kastaba, tan iyo 1969-kii markay dalka qabsadeen ciidamadu. Xarunta Muqdisho waxay ku magacawnaayeen “Golaha Dhexe ama Commitato Centrale”, meelaha kalena farac ayay ahaayeen. 13 xubood ayay maamulladu ka koobnaayeen meel kastaba, 12 maamulka ah iyo qof xoghayn ah. Saddex mar ayuu Sheekh Mukhtaar madax ka noqday Leegada Xudur doorasho kadib, waxaana qofkii la doorto uu xukunka hayn karay muddo labo sano ah. Isaga iyo labo nin kale oo uu adeerkiis Sheekh Cabdalla dhalay ayaa inta badan la soo dooran jiray. Sababtuna waxay ahayd iyagaa ugu aqoon fiicnaa inta xubnaha ka ah faraca Xudur, oo xitaa akhrinta iyo qoraalka ayaaba markaasi ciriiri ahaa. Isagoo ganacsigiisii wata ayuu Sheekh Mukhtaar siyaasaddana lug kula jiray.

 

Sheekh Mukhtaar iyo xilligii Maamulkii Daakhiliyada

Siduu qorayo buugga ‘Dalkii Filka weynaa ee Punt.B. 126’, Talyaanigu wuxuu ku soo laabtay Soomaaliyadii koonfureed ee uu gumeysan jiray 2-dii Febraayo sanadkii I950-kii, isagoo kolkaas xambaarsanaa xeerkii iyo qaraarkii uu Golaha Wasaayada ee Qaramada Midoobay ugu dhiibay inuu muddo 10 sano ah gaarsiiyo gobonnimo buuxda.

Sanadkii 1954-tii wuxuu Talyaanigu dhisay gole loo yaqiinnay “Golaha La-tashiga” ama (Consiglio Territoriale) oo ka koobnaa 51 xubnood. Waxay isugu jireen labo, saddex ama afar laga soo xulay degmooyinka iyo axsaabtii dalka ka jirtay xilligaas, sidoo kale min afar xubnood oo Jaaliyadaha Carabta iyo Talyaaniga ah laga soo magacaabay. Golahan waxaa Guddoomiye sare u ahaa nin Talyaani ah, ha yeeshee Waxaa guddoomiye ku-xigeen ka ahaa Aadan Cabdulle Cusmaan iyo C/nuur Maxamed Xuseen. Xilka Golahan wuxuu ahaa inuu maamulka Wasaayada kala taliyo nidaamka shuruucda dalka lagu maamulayo.

Sheekh Mukhtaar Golahan ayuu markaasi soo galay, isagoo laga soo doortay magaalada Xudur. Isla sanadkaas uu Sheekh Mukhtaar soo galay Golihii (Consiglio Territoriale) ayaa jilibka Hadame ee uu Sheekh Mukhtaar ka dhashay ay shir ku yeesheen Ceel “Mooro-gaabey” la yiraahdo oo degmada Xudur ku dhow. Dhaqan ahaan beelaha dega dhulkii berigii hore lays ku dhihi jiray Jubbada Sare (Alta Jubba), waxaa caado u ah in Ugaasnimada ama Malaaqnimadu aysan ahayn mid layska dhaxlo, siday u badan yihiin beelaha Soomaalida amaba meelo kale oo caalamka ah oo isku-xirnaanta beelaha ay ka jirto.

 

Xilligaas Gobolkii Jubbada Sare waxaa hadba la duubi (caleemo-saari) jiray ninkii loo arko Inuu beesha hoggaankeeda munaasab u yahay, iyadoo aan la eegeyn inay dhaxal u leeyihiin boqornimada Iyo in kale. Shirkaasi ‘Mooro-gaabey’ ka dhacay waxay odoyaashii Hadame isku raaceen inay Sheekh Mukhtaar u doortaan inuu noqdo ‘Malaaqa Beesha Hadame.’ Sheekh Mukhtaar wuxuu xilliga shirkaasi dhacayo ku sugnaa magaalada Muqdisho, maadaama Golihii Consiglio Territoriale ay Muqdisho xarun u ahayd. Doorashada beesha Hadame ay Sheekh Mukhtaar ugu dooratay inuu noqdo Malaaqa Beesha waxay ka dambeysay kadib markii odayaasha beeshu eryeen Malaaqii hore. Markii la soo gaarsiiyay Sheekh Mukhtaar go’aanka ay beeshiisu ku dooratay wuu aqbalay; wuxuuna muddo 3 sano ah isku ahaa Malaaqa beesha iyo xubin ka tirsan Golaha Consiglio Territoriale. Inkastoo tan iyo markuu Malaaqa noqday uu fadhigiisa rasmiga ah noqday Xudur, haddana Muqdisho wuu imaan jiray, gaar ahaan mararka Golaha La-tahsiga kulanno leeyahay, kuwa caadiga ah iyo kuwa aan caadiga ahaynba.

Sidoo kale bishii Maarso sanadkii 1956-dii waxaa dhacday doorashadii Golaha Sharci-dejinta ee ugu horreysay ee ay axsaab badani ku tartamaan. Waxaa doorashadaas lagu soo doortay 60 mudane iyo 10 xubnood oo laga soo magacaabay jaaliyadaha shisheeye ee dalka deggenaa. Doorashadaas 43 kursi xisbigii Leegada ayaa ku guuleystay Sheekh Mukhtaar mar kale ayaa Xudur looga soo doortay inuu ka mid noqdo Golahan, isagoo ku soo galay magaca Leegada. Markani waxaa Golahan guddoomiye u noqday Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde). Isla ammintaas, C/laahi Ciise ayaa loo magacaabay inuu noqdo wasiirka koowaad ee xukuumaddii ugu horeysay ee ay Soomaaliyadii Koonfureed yeelato.

Dabayaaqadii sanadkii 1956-dii ayuu Sheekh Mukhtaar arji u qortay shaqo qaallinnimo ah oo ka bannaaneyd magaalada Muqdisho. Nasiib wanaag, tartankii loo galayay qaallinnimada ayuu Sheekh Mukhtaar ku guuleystay. Sidii sharcigu dhigayay, illaa iyo haddana jirta, qofkii garsoorka xubin ka ah waa inuu ka madax bannaanaadaa siyaasadda, sidaasi darteed wuxuu ka tanaasulay Malaaqnimadii iyo xubinnimadii Golahaba; sidii ayuuna qaalli ku noqday. Sanadkii 1957-dii markuu muddo sanad ku dhowaad Xamar kaga shaqeynayay qaallinnimo ayaa Ugaasyo iyo nabaddoonno u dhashay beelaha Cawlyahan, Af-gaab iyo Cabdalle iyo weliba niman ‘Buraashadley’ la dhihi jiray ayaa iyagoo isku duuban ay u soo dacwoodeen Guddoomiyihii degmada Xudur, Daahir Nuur Xuseen oo beesha Awrtable u dhashay iyo Maxamed Faarax Ceydiid oo isaguna Habargidir u dhashay oo markaas laba-xiddigle ah, booliiska Xudurna madax u ahaa. Hoggaamiye-dhaqameedyada iyo odoyaasha dacwadaasi keenay waxaa ka mid ahaa Ugaas Geeddi oo ahaa Ugaaskii Cawlyahan, Ugaas Xusan Carab oo Buraashadleey madax u ahaa. Waxay Ugaasyadaas iyo nabaddoonnadaasi yiraahdeen: “Sheekh Mukhtaar muddo saddex sano ku dhow ayuu halkan Malaaq ka ahaa Cawlyahan iyo Hadama heshiis ayuu dhex dhigay. Meeshii markuu ka tagay heshiiskii ayaa jabay, nabaddii geyigan ka aslaaxdayna way baaba’day.

“Qaallinnimada in laga soo saaro ooXudur lagu soo celiyo ayaan rabnaa”. Markay odayaashaasi codsigaasi soo gudbinayaan waxaa dhisneyd xukuumaddii daakhilayada ee uu madaxda ka ahaa C/laahi Ciise Maxamuud; waxaana wasiirka arrimaha gudaha ahaa Allaha u naxariistee Xaaji Muuse Boqor. Warkii iyo codsigii odayaasha ayaa la soo gaarsiiyay wasiirkii arrimaha gudaha, Xaaji Muuse Boqor. Arrintii waxay noqotay mid weyn, wuxuuna Xaaji Muuse Boqor u soo diray C/risaaq Xaaji Xuseen oo markaasi madax ka ahaa Xisbigii SYL. Walow Sheekh Mukhtaar uu Xamar dacal kajoogay, oo Xaaji Muuse Boqor la kulmi karay, haddana maadaama Sheekh Mukhtaar xubin firfircoon ka ahaa SYL, dhanka Xisbiga in laga soo maro ayaa Xaaji Muuse Boqor la habboonaatay. Xaaji Muuse Boqor wuxuu C/risaaq Xaaji Xuseen ku yiri: “u tag Sheekh Mukhtaar, una sheeg reer Bakool ayaa ku soo dalbaday, nabaddii uu ka shaqeynayay ayaa burburtay ee ha la soo celiyo ayay yiraahdeen. Inuu qaallinnimada iska casilo oo uu Xudur shaqadii uu ka hayay ee Malaaqninrada ku soo noqdo ayaa looga baahan yahay”. Markuu C/risaaq Xaaji Xuseen u yimid Sheekh Mukhtaar, wuxuu u faahfaahiyay farriintii Wasiirka arrimaha gudaha Xaaji Muuse Boqor, hase ahaatee Sheekh Mukhtaar markuu si fiican u dhageystay C/risaaq Xaaji Xuseen ayuu ugu jawaabay: “way fiican tahay inaan ku noqdo howshaas Malaaqnimada, waana howl fiican, hase ahaatee shardiga ugu dhow wuxuu yahay Malaaqnimada waxaan ku qaadanjiray 180 (boqol iyo siddeetan) shilin, haddana qaallinnimada waxaan ku qaataa 350 (saddex boqol iyo konton.) shilin. Nin saaxibul-cayaalna waan ahay. Haddaba suurto gal ma tahay inaan ka tago meel aan 350 ka qaato oo aan u noqdo meel 180 shilin ah?! Haddii Malaaqnimada laygu siinayo lacagta aan hadda ku qaato qaallinnimada waan ku noqonayaa howshaas, haddii kale ha layga dhaafo howshaas”. Xaaji Muuse Boqor markii la soo gaarsiiyay jawaabtii Sheekh Mukhtaar ayuu maamulkii Xudur ku wargeliyay wixii lagala soo kulmay Sheekh Mukhtaar. Wuxuu Xaaji Muuse Boqor u sharraxay maamulkii Bakool siduu xaalku yahay, isagoo u sheegay inaysan 350 shilin mushaar uga dhigi karin hoggaamiye-beeleed. labo sababood awgood oo kala ah: in miisaaniyadda dowladda oo aan u saamaxayn iyo tan kale oo ah haddii hoggaamiye beeleedyada kale ay maqlaanna ay dalban doonaan mushaarkaas oo kale.

Odayaashii Bakool markii la gaarsiiyay dhambaalkii wasiirkii arrimaha Gudaha ee isugu jiray jawaabtii Sheekh Mukhtaar iyo wixii ay wasaaradda arrimaha gudaha ka qaban karto shuruudaha Sheekh Mukhtaar, ayaa waxay odayaashii yiraahdeen: “isagoo qaalli ah ha naloo soo beddelo”. Bishii Maarso 1958-dii ayaa Sheekh Mukhtaar laga beddelay magaalada Xamar. Degmada Xudur ayuu qaalli ka noqday, siyaasaddana wuu ka shaqeyn jiray, taasoo ahayd sababtii meesha loogu soo beddelay. Waxaa Xudur markaasi guddoomiye ka ahaa Daahir Nuur Xuseen, booliskana waxaa madax ka ahaa Maxamed Faarax Ceydiid oo markaasi labo-xiddigle ahaa. Sheekh Mukhtaar labadaas nin oo SYL ahaa ayuu kala shaqeynayay arrimaha siyaasadda, isagoo rasmi ahaan howshiisu ahayd dhanka garsoorka.

Markay soo dhowaatay doorashadii 1959-kii ayaa Guddoomiyihii Xudur, Daaliir Nuur Xuseen iyo Taliyihii Booliiska Maxamed Faarax Ceydiid ay soo jeediyeen hindise ku aaddan doorashadii soo foolka lahayd; waxayna yiraahdeen: “sanadkii hore kuraastii saddexda ahayd ee Xudur waxaa wada qaatay Xisbiga ‘Digil ؛yo Mirifle’, Leegadana hal kursi xitaa ma helin. Haddii Sheekh Mukhtaar aan laga dhigin musharraxa 1-aad ee Xisbiga Leegadu wuu qadayaa. Ninkaan ha lala hadlo, qaallinnimada ha ka baxo, oo Leegada musharrax ha u noqdo”. Hase ahaatee qorshahaas Sheekh Mukhtaar waa ku gacanseyray. Markuu Sheekh Mukhtaar gaashaanka ku dhuftay taladii ay soo jeediyeen madaxdii Xudur, waxaa markaasi Xamar laga soo diray Wasiirkii Shaqada ee Xukuumaddii Daakhiliyada oo ay Sheekh Mukhtaar saaxiibo isku dhow ahaayeen oo reer Baydhabo ahaa, lana dhihi jiray Maxamuud Cabdinuur Juuje oo beesha Dir u dhashay iyo Cali Shiddo Cabdi oo isaguna u dhashay beesha Habargidir, ahaana Guddoomiyihii gobolkii loo yaqiinnay ‘Jubbada Sare’ (Alto Jubba). Markay Juuje iyo Cali Shiddo Xudur ugu tageen Sheekh Mukhtaar ayay dood dheer kadib ku qanciyeen inuu qaallinnimada ka tanaasulo, una soo istaago inuu .Leegada musharrax u noqdo, Sidii ayuu Sheekhu ku noqday musharraxa 1-aad ee xisbiga Leegada.

 

Doorashadii 1959-kii degmada Xudur 4 kursi ayaa looga dhigay, halkii markii hore ay saddex ka lahayd. Afartii kursi labo Leegada ayaa ku guuleysatay, halka labadii kale uu ku guuleystay Xisbiga Digil iyo Mirifle. Wuxuuna Sheekh Mukhtaar doorashadan kadib noqday Wasiir ku- xigeenka wasaaradda caddaaladda. Siduu Sheekh Mukhtaar jagadan u hayay ayaa la soo gaaray madashii gobonnimo-qaadashada iyo is-raacii labada gobol ee waqooyi iyo koonfur.

 

Sheekh Mukhtaar iyo qaallinnimo

Sheekh Mukhtaar wuxuu dabayaaqadii sanadkii. 1956-dii ku biiray qeybta garsoorka, isagoo markaasi ka howlgalayay magaalada Muqdisho. Waxay ka koobnaayeen 13 garsoore. Guddoomiyaha garsoorayaasha wuxuu magaciisu ahaa Sheekh Abuukar Axmed oo Sheekhaal-Loobage u dhashay; 12 ka kalena mid ayaa dacwada diyaarinaayo, mid kalena lacagta ayuu qaadayaa, kadibna wuu qeybinayaa, askartuu u dirayaa oo uu ku leeyahay qaali hebel ha loo geeyo. Subax kastana waa la tegi jiray Jimcaha maahine.

Dacwooyinka loo keeni jiray intuu Muqdisho ka howl galayay waxay u badnaayeen muran lacag ama haween ku lug leh, wayna isku wada ekaayeen intooda badan. Wuxuu Sheekh Mukhtaar la fajacay xeer beesha Abgaal ay leedahay oo ka duwan midkii uu ku arki jiray deegaankii uu ku soo hanaqaaday. Wuxuu soo arki jiray in haddii gabar lala soo baxo (la soo masaafeysto) gurigooda in lagu soo celiyo kadib marka la soo mehersado, oo markaasi sabeen lagu xiro reerkii ay ka dhalatay, kadibna la siiyo wixii hanti macquul ah ee ay dalbadaan. Hase ahaatee Sheekh Mukhtaar dhaqanka uu beesha Abgaal kala kulmay wuxuu ahaa mid ka duwanaa kii uu horay u soo arki jiray. Wuxuu dhaayihiisa ku arkay qisooyin uu tusaale uga soo qaatay gabar Xamar lagala soo baxaayo oo magaalada Marka lagu soo mehersanayo. Marka la soo mehersado kadib waa lala aqalgalayaa oo guri ayaaba la geysanayaa. Markii muddo saddex illaa afar bilood sidaas ay kula soo joogto ninka ayaa dadkeedii soo dacwoonayaan oo markaasi dad loo dirayaa. Hase ahaatee gabadhii marna laguma soo celinaayo reerkeedii, waxay sheegtaanna lama siinaayo.

Sheekh Mukhtaar iyo garsoorayaasha kala duwan ee ay wada shaqeynayeen waxay wada ahaayeen culimo diinta Islaamka ku xeel-dheer. Awooddoodu waxay ku koobneyd inay kala xukumaan dacwooyinka arrimaha qoyska la xiriira; hase yeeshee kiisaska waaweyn wax shaqo ah kumaysan lahayn, sida dacwooyinka dhulka, iwm. Dacwooyinkaas waaweyn maxkamad kale ayaa ku shaqo lahayd oo sida muuqata ka awood badneyd oo qaanuunka Talyaaniga iyo kan caalamiga ahba wax ku xukumeysay.

Sanadkii 1958-dii Sheekh Mukhtaar markii isagoo qaali ah Xamar laga beddelaayay ayaa rag ka mid ahaa madaxdii sarsare ee xisbigii Digil iyo Mirifle oo ay ka mid ahaayeen Allaha u naxariistee C/qaadir Maxamed Aadan Zoppe iyo Xaaji C/laahi Mursal (Afar-indhood) oo ay Sheekh Mukhtaar qaraabo ahaayeen ay u tageen ninkii garsoorayaasha Talyaaniga u sarreeyay (Dood- ishe), iyagoo Sheekh Mukhtaar ku dacweynaya. Waxay Doodishihii ku yiraahdeen: “Ninkaan Sheekh Mukhtaar la yiraahdo wuxuu ahaa nin siyaasad ku soo dhex jiray; mar Malaaq buu ahaa, mar Leeagada Xudur ayuu madax ka ahaa ee yaan loo beddelin Xudur”. Doodishihii Talyaaniga wuxuu ku yiri raggii dacwada u soo gudbiyay: “waxba igama gelin wuxuu ahaa, markuu jidkiisa gafo ayaan dambi ku qabsan karaa, intuu gef muuqda ka sameynaayo eed ma laha!”. Doodishihii Talyaaniga markuu sidaas ku yiri raggii u tagay, ayuu si gaar ah ugu yeeray Sheekh Mukhtaar, wuxuuna ku yiri: “Sidaas ayaa laguugu soo eedeeyay ee siyaaadda iyo garsoorka kala saar”.

 

Raggii xisbiga Digil iyo Mirifle ka socday ee Sheekh Mukhtaar dacweynayay waxay ka cabsi qabeen haddii Sheekh Mukhtaar uu dadka xukumaayo isagoo garsoore ah inuu ka eexan doono dadka aan Leegada ku jirin amaba ka soo horjeeda; isla markaa maadaama uu u dhashay deegaanka Xudur inuu Xisbiga Leegada u soo dumayo dadka. Arrimahaas ayaa ahaa kuwa ugu waaweyn ee walwal ku hayay. Hase ahaatee nasiib darro qorshahaasi ma socon, oo Sheekh Mukhtaar Xudur ayaa loo beddelay, isagoo intii uu halkaasi joogay howl la taaban karo ka qabtay deegaanka, guulo muuqdana uga soo hooyay Leegada doorashadii 1959-kii oo uu Xisbiga SYL 50% ka helay kuraasta, halka doorashadii taasi ka horreysay gebi ahaanba looga adkaaday. Dhanka Xudur intuu ka howl galayay dacwooyinka loo keeni jiray waxay dhan kaga ekaayeen kuwii Xamar. Hase ahaatee muranka lacagta ku saleysan ayaa u badnaa Xudur, illowse muranka haweenka ku saabsan waa yaraa.

 

About somaliwi