Home / Taariikh / Maalintii ‘Ha-noolaato’

Maalintii ‘Ha-noolaato’

Jaaliyaddii Carabta oo qeybo ka mid ah Soomaaliya deggeneyd, gaar ahaan kuwii Muqdisho, waxay aad uga soo horjeedeen halgankii Leegada. Maalin ayaa sanadkii 1957-dii iyadoo Carabtaasi ay sameysanayeen dabbaaldeg ayaa iyagoo fardo saaran ay soo hormareen Naadigii Leegada. Rag Leegada ka tirsan ayaa ka dhiidhiyay tallaabadaas oo ay u arkeen inay tahay daadaansi qaawan oo ay Carabtaasi ku sameynayeen Leegada. Markaasi ayay yiraahdeen: “war fardaha naga duwa.” Carabtii hadalkaasi dheg uma dhigine, dadkii ayay fardihii dardarsiiyeen.

Iska horimaad ayaa halkaas ka billowday, markaasaa Soomaalidii meel kastoy Xamar ka joogto ku kacday Carabtii. Waxaana hal-hays laga dhigtay oo maalintaas lagu dhawaaqayay ‘Soomaaliya ha-noolaato’. Ninkii ugu horreeyay ee ‘Soomaaliya ha-noolaato’ ku dhawaaqay wuxuu ahaa Sheekh Xuseen. Wixii waqtigaasi ka dambeeyay waxaaba lagu naaneysi jiray ‘Sheekh Xuseen Ha-noolaato’.

Carabtii wixii dagaalkaas ka dambeeyay waa laga ammaan helay, daadaansigii ay wadeenna waa yaraaday. Waxaa la tuhunsanaa in Talyaanigu uu. ka dambeeyay falalka daandaansiga ah ee ay Jaaliyadda Carabtu wadday.

About somaliwi