Home / Siyaasiyiin / Dilkii Kamaaluddlin Saalax (sidee loo maleegay?)

Dilkii Kamaaluddlin Saalax (sidee loo maleegay?)

Guddigii ergooyinka ee la-taliyeyaasha u ahaa maamulkii wasaayadu waxay ka koobnaayeen saddex dal oo kala socday qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Laatiin Ameerika. Waxay dalalkaasi kala ahaayeen: Masar, oo Afrika ka socotay; Philipines, oo Aasiya ka socotay; iyo Colombia oo Laatiin Ameerika ah. Ergadaas mataleysay saddexdaas dal waxaa ugu firfircoonaa, uguna muuqday ergaygii Masaarida, Kamaaluddiin Saalax. Wuxuu soo beddelay Saalaxudiin Faadil oo isuguna Masaari u dhashay. Waxaa Kamaaluddin laga soo beddelay magaalada Marseeliya ee dalka Faransiiska, halkaasoo uu qunsul ka ahaa. Kamaaluddiin markuu Soomaaliya yimid wuxuu la soo baxay siyaasado uu kaga soo horjeeday gumeystihii Talyaaniga oo ku howlanaa isku-dirka bulshada Soomaaliyeed iyo qorshe uu ku dheereysanayay muddada uu joogaayo Soomaaliya.

Kamaaluddiin waxaa la dilay 17-dii bishii April 1957-kii abbaarihi 1-dii duhurnimo isagoo sooman. Waxaa dilay nin magaciisu ahaa Wiilow Sheekh C/raxmaan.

Sheekh Mukhtaar isagoo ka sheekeynaya arrintan wuxuu sheegay in ‘Wiilow wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee waxbarasho loogu qaado Masar. Xaaji Maxamed Xuseen oo mar ahaa Guddoomiyihii SYL ayaa isku mar loo qaaday Masar. Hase ahaatee anshax-xumo awgeed ayaa Wiilow looga soo eryay dalka Masar iyo waxbarashadiisiiba. Waxaa Wiilow laga sheegay markuu yimid inuu yiri: “Alleylehe nin Masaari ah markaan dilo unbaan ka aarsanayaa Masaarida siday ii galeen!!”. Ka sokow ciilka uu Wiilow Masaarida u qabay, wuxuu Sheekh Mukhtaar aaminsan yahay in dilka Kamaaluddiin uu ahaa shirqool uu Talyaanigu soo maleegay, niman Soomaali ah oo Talyaaniga taageersanaana ay ku lug lahaayeen, shirqoolkaas oo Wiilow lagu fuliyay.Kamaaluddiin wuxuu ahaa qof aan ka daalin inuu wax la qabto Soomaalidii gobinnimada dalbaneysay, maadaama uu diblomaasiyadda kaga cilmi badnaa, waayo-aragnimo ayuu ka siinayaysida loo maareynayo arrimaha gudaha iyo sidii qaddiyadda Soomaalida caalamka loogu bandhigi lahaa.

Waxyaabaha uu sameeyay waxaa ka mid ahaa dhacdadan oo uu Sheekh Mukhtaar weli xusuusto: Maalin ayuu Kamaaluddiin wuxuu xaruntiisa isugu yeeray Golihii la-tashiga (Consiglia Territoriale) iyo madaxda axsaabtii gobonnimo-doonka ahayd iyo kuwii gumeystaha kalkaalayayba. Wuxuu ku yiri: “Soomaalidu waa shacab uu gumeysi dilooday oo niyadda ka jabay. Toban sano kadib ayaad gobonnimo qaadaneysaanta la leeyahay waxba dheg uma dhigayaan. Haddaba waxaad sameysataan calan idiin gaar ah, hana laga garab-taago kan Talyaaniga. Haddii la yiraahdo calankaas Soomaaliya ayaa leh inay gobonnimo rumeystaan ayaa laga yaabaaye”. Ra’yigii Kamaaluddin ayaa loo riyaaqay, si weyna waa looga dooday Golihii La-tashiga (Con- siglia Territoriale), hase ahaatee waa lagu heshiin waayay go’aan mideysan oo ku saabsan nooca uu noqonaayo calanka Soomaaliya loo dooraayo. Xisbi kasta wuxuu damacsanaa in calanka ay Soomaaliya yeelaneyso uu noqdo midkooda Leegada ayaa ugu rooneyd oo uu calankeedu lahaa xiddig shan gees leh oo mataleysay shanta Soomaali, keediina waa la diiday, oo axsaabtii ka soo horjeedday ayaa ka hortimid oo gaashaanka ku dhufatay.

Allaha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan oo tirsanaa Golihii La-tashiga (Consiglia Territoriale) ayaa soo hindisay calanka maanta loo yaqaanno “Calanka Soomaaliyeed” ee buluugga ah. Subaxii xigay markii kulan laysugu yimid, ayuu Maxamed Cawaale soo jeediyay hadal oo uu ku yiri: “waa tii aan ku heshiin weynay calankii ka warrama haddaan calan ka dhiganno calan aan hadda ka hor la arag, xisbi Soomaaliyeed ama dal sameystayna uusan jirin?” Dadkii oo dhan ayaa “waa fiican tahay” ku jawaabay. Markaasaa intuu jeebkiisa gacanta geliyay uu ka soo bixiyay calanka buluugga ah ee ay xiddigta shanta gees leh dhexda kaga asteysan tahay. Markuu calankii kor u taagayba sacab ayaa lagu taageeray, sidii ayuuna Golihii u sharciyeeyay calankaas, waxaa n calankaas rasmi ahaan loo bannaan-bixiyay 12-kii Oktoober 1954-tii, iyadoo maalintaasna loo aqoonsaday ‘Maalinta Calanka Soomaaliyeed’.

Eebe naxariistii Janno ha ka waraabiyee, Kamaaluddiin waxqabadkaas iyo kuwa kaloo la mid ah ayuu shacabka Soomaalida u qabanaayay. Taasna waa midda keentay in colaad ba’an uu ka kasbado gumeystihii Soomaalida dulleysanayay. Kartida iyo dadnimadu waa u dhalasho, mana aha wax uu qofku iska yeelyeeli karo. Kamaaluddiin waxaa lagu tilmaami jiray inuu ka firfircoonaa raggii la socday, taasina waxay keentay in isaga kaliya la hadal hayo, halka safiirradii dalalka Kolombiya iyo Filibiin inay dalka joogaan iyo inay maqan yihiinba aan la kala garanjirin.

 

Sheekh Mukhtaar wuxuu aaminsan yahay in Soomaalida dilka Kamaaluddiin ku lugta lahayd ay badnaayeen, oo ay isugu jireen Raxanweyn, Hawiye iyo Daarood, hase ahaatee Raxanweyn iyo Majeerteen ayaa ugu muhiimsanaa. Intaan gobonnimadaba la qaadan ayaa la dilay Wiilow; dilkiisana waxaa la sheegay inuu Talyaanigu mas’uul ka ahaa oo in cirbad sun ah lagu duray ayaa la sheegay, waayo haddaan la dilin rag badan inay kiiskiisa soo geli lahaayeen oo ay sir badan kashifmi lahayd ayaa la aaminsanaa.

About somaliwi