Home / Af Soomaali / Mideynta af Soomaaliga – Casharka 1aad: tusalooyin

Mideynta af Soomaaliga – Casharka 1aad: tusalooyin

Casharadan qoraal mideynta AfSoomaaliga waxa aan uga gol leenahay in erey kasta oo aan halkan ku soo gudbino loo qaato inuu yahay mid laga soo baaraan degey sugnaanshihiisa oo la doonayo in sida uu yahay loo qaato.Dhamman dadka Afka hooyo wax ku qorayana ay si siman qoraalkooda habkan ugu adeegsadaan. Waxa aan casharkan ku soo qaadaneynaa shan erey oo dadku ay qaarba sida ay doonayaan ugu qortaan. Markaana loo baahan yahay in dibed iyo gudaba si isku mid ah loo qoro.

Ereyadaa waxaa ka mid ah: Xasuus, Hurumar, Howl, Xurnimo iyo Dillaal ama Dullaal.

 

Ereyadaa sida saxda ah ee aan dooneyno in aan isku raacno waa in loo qoro: Xusuus, Horumar, Hawl, Dallaal iyo Xornimo.

 

Haddeynu habkan wada raacno waxaa soo dhawaaneysa in laga jawaabo baahida afkeena laga sheego ee ah malaha hab la isku raacsan yahay oo loo qoro (Standard). Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta (Somasa). Waxa ay ku talineysaa inaynu talo wadaag noqono oo aanu qofkasta quminihiisa qoorta ugu jirin.

Mahadsanidiin
Maax
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta.
Muqdisho/Soomaaliya

About somaliwi