Home / Af Soomaali / Sharciyada xarfaha laba-laabma

Sharciyada xarfaha laba-laabma

Waxyaabaha qoraalka afka Soomaaliga wanaagsan meel mariya waxaa ka mid ah in qofka wax qoraya uu ilaaliyo xeerka qoraalka ee xarfaha labanlaabma. Waayo taasi waxa ay keenaysaa in qofka qiimo wanaagsan lagu siiyo aqoontiisa xagga qoraalka afka.

Sida ay dad badan ogyihiin xarfaha labanlaabma waa todobo xaraf oo kala ah “M N L G R D B” Waxaana Lagu Soo Ururiyaa Si Xusuustooda Aanay Qofka Uga Lumin Odhaahda Ah “Manalagaraadbaa.” Todobadaa xaraf meelaha qaarkood oo aan aad u badneyn marka la qorayo way labanlaabmaan.

 

Xaraf kale oo Afsoomaaliga ku jira oo labanlaabmaa hadda xeerka guddiga Farsoomaaligu ay dejiyeen kuma jiro.

  • Xarfaha labanlaabma waxa ay labanlaabmi karaan marka ay ereyga dhexda kaga jiraan.
  • Kuma bilaaban karaan ereyga iyaga oo labanlaaban sida Ddad.
  • Kumana dhammaan karaan iyaga oo labanlaaban sida Baarr.
  • Waxa lagu garan karaa in ereygu u baahan yahay in la labanlaabo labo shardi: midka hore waa in uu yahay todobadaas xaraf midkood.
  • Shardiga labaadna waa in uu ereygu dhawaaq ahaan shidan yahay ama culus yahay. Sida Carrab. Barre, Dallad, Mudd, Iwm.
  • Mararka qaarkood ayaa ay qoraalkaagu dhaliil ama faham la`aan la soo dersi kartaa. Markaana waa marka erey uu ku jiro xaraf labanlaaban aad labanlaabi waydo. Sida Carrab = Carab. Waxa uu kaa yeelanayaa macnihii weedha aad qoreyso kuugu jirey mooyee macno kale. Tusaale Yaxaasku Carab ma leh. Wargeysku waa bile iyo wixii la halmaala.

About somaliwi