Home / Diinta / Taariikhda Sheekh C/rashiid Sh. Cali Suufi

Taariikhda Sheekh C/rashiid Sh. Cali Suufi

Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi, magaca aabbaha waa Sheekh Cali Sheekh C/raxmaan oo lagu naaneyso Sheekh Cali Suufi. Sheekh C/rashiid wuxuu ku dhashay magaalada Herer oo ka tirsan dalka Itoobiya. Hase yeeshee, halkaasi kuma raagin oo isagoo yar ayaa laga soo waday.

Hase yeeshee, Sheekh C/rashiid wuxuu ku soo barbaaray magaalada Muqdisho.

Wuxuu Quraanka xifdiyay isagoo aad u da’ yar, waxaana taas dadaal badan ku bixiyay aabbihiis oo caan ku ahaa barista Quraanka Kariimka ee geyiga Soomaaliyeed, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Waxbarashadiisa sare wuxuu ku soo qaatay dalka Masar, gaar ahaan jaamacadda Al- Azhar, waxuuna ku soo takhasusay Quraanka iyo qiraa’aadka 10-ka ah.

Sheek Abdi rashiid waxuu dhalay 16 caruur. 10 isku hooyo ah, (5 wiil iyo 5 gabdhood) iyo 6 isku hooyo ah (4 wiil iyo 2 gabdhood. Haddaba sheekheena iyo qoyskiisaba Allah ha xifdiyo.

About somaliwi