Home / Af Soomaali / Maalintii ugu horreysay ee uu soo baxay wargeys ku qoran af Soomaali

Maalintii ugu horreysay ee uu soo baxay wargeys ku qoran af Soomaali

21kii Jannaayo sanadkii 1973kii waxay ahayd markii ugu horreysay ee uu soo baxay wargeys ku qoran af Soomaali. Waxayna tallaabadani muddo 3 bilood ah ka dambeysay ka dib markii si rasmi ah loo shaaciyay in farta laatiinka loo qaatay in lagu qoro afka Soomaaliga.

Wargeyskaas waxaa loo bixiyay Xiddigta Oktoobar.

Waxay arrintani fulineysay in la dhaqan-geliyo far Soomaaliga oo loo adeegsado qeybaha kala duwan ee nolosha. Waxaana muddo kaddib xigay in far Soomaaliga loo adeegsado waxbarashada, xafiisyada, iwm.

Wixii markaas ka dambeeyay qoraalka af Soomaaligu wuxuu noqday mid hana-qaada oo gaara miyi iyo magaalo.

 

 

About somaliwi