Home / Aqoonyahan / taariikh-nololeedkii Xuseen Sh. Axmed (Kadare)

taariikh-nololeedkii Xuseen Sh. Axmed (Kadare)

Magaalada Muqdisho waxa  ku geeriyoodey Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo ka mid ah qorayaasha waaweyn ee Soomaaliyeed, hadaba waxa aan halkan kusoo koobeynaa sooyaalka taariikheed ee marxuumka oo raad muuqda ku reebey Soomaaliya.

80-tan  jirka geeriyooday waxaa lagu xusuutaa dadaalkii uu u galay qoraalka Farta Soomaaliga iyo in Soomaaliya yeelato far u gaar ah, waxaa uu ka mid ahaa guddigii qoraalka Farta Soomaaliga, waxaa uu sidoo kale xubin fir fircoon ka ahaa guddigii ku guuleystay qoraalka Soomaaliga, hawshaasi oo uu u igmaday golihii sare ee kacaanka taariikh marka ay ahayd 21 January 1971.

Kadare Waxaa uu ka mid ahaa dadkii sameeyay far uu gaar u leeyahay wixii ka horeeyay 60-kii, waliba waxaa uu dagaal iyo dadaal u galay in fartiisa ay noqoto midda Soomaalida isticmaasho.

Markii ugu horeysay Qoraalka Far Soomaaliga ee uu allifey Xuseen Sheekh Axmed Kadarre waxay ahayd 1952 dii oo iyana loo yaqiiney Fartii Kaddariya (Kaddariya Script) oo isaga ayaa loogu magac daray.

Waxaa jirey sedex far oo dad Soomaali ah soo alifeen waxaana ka mid ahaa:

1. Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifey Cismaan Yuusuf Kenediid 1920 dii. Qoraalkaas waxaa loo yaqaanaa Cusmaaniya,(waxaana loogu magac daray ninkii allifey oo Cismaan la oradhan jirey), waxaa mararka qaarkoodna la dhihi jirey Far Soomaali (Somali Script).

2. Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifey Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur 1933 dii oo loo yeqaano Far Gadabuursi (Gadabuursi Script), waxaana loogu magac daray qoyskii uu ka dhashay.

3. Qoraalka Far Soomaaliga ee uu allifey Xuseen Sheekh Axmed Kadarre 1952 dii oo iyana loo yaqaano Fartii Kaddariya (Kaddariya Script), waxaana loogu magac daray ninkii allifey oo Kaddare lagu naaneyso.

 

Taariikhdii Xuseen Xuseen Sheekh Axmed (Kadarre):

Kadare waxaa uu ku dhashay meel markaasi ahayd duleedka magaalada Muqdisho, balse maanta ay magaalada ku faaftay kana mid ah magaalada taasi oo ah degmada Shibbis .

Macalinkii ugu horeeyay ee wax soo baray waxaa uu ahaa Macalin Xuseen Gaab oo Warsheekh caan ka ahaa, waxaa uu Kadare u dhigay Quraanka, halkaasi oo uu ku bartay dhigaalka farta, waxaana suurogal ah in uu meeshaasi ka ambo qaaday damaciisa ah in uu qoro farta Soomaaliga.

Xuseen Sheekh Axmed, waxaa uu aabihii geeriyooday isagoo 9 jir ah kadib waxaa uu soo galay magaalada Muqdishu. Kadib Kadare, waxaa uu noqday Xer diinta barata xili qofkii Iskuul dhigto la dhihi jirey waa dambaabay, isagoo 16 jir aha ayuu ku biiray Iskuul Talyaani ah, waxbarashadaas oo la dhihi jiray xiligaas Seeraale.

Xuseen Kadare, waxaa uu soo joogay xili Soomaalida wax lagu baro luqadaha Carabiga iyo Talyaaniga taas oo keentay in markii uu dugsi sare dhameeyay uu isla ahaa qof Jaamacad dhameeyay oo kale. , isagoo ku fakiray tilaabo haddii ay fuli laheyd wax badan ka badali lahyed taariikhsiida iyo midda dalka.

Markii la sameeyay ururkii SYL, waxaa dadkii la baray far uu lahaa Cismaan Yuusuf Kenediid, fartaas ayaa la sameeyay 1920-kii, farta Keynediid waxaa ay aheyd far isku darsan sida Itoobiyaanka balse Kadare go’aan ayuu ku gaaray in uu sameeyo far isaga u gaar ah oo marna la isku daro marna la kala jaro.

Xuseen Kadare, waxaa uu ku fakiray in uu sameeyo mid la mid ah farta Talyaaniga oo ah u qoronta farta uu maanka ku haayo. Farta Xuseen Sheekh Axmed Kadarre, waxaa loo bixiyay Kadariya, taasoo muujinaysa in uu isaga fartaas lahaa.

Kadare, waxaa uu sameeyay Xuruuf isaga u si gaar ah u Alifay, waa far gaar ah uu isaga oo kaliya uu yaqaanay taas oo ka duwaneyd farihii xiligaas soo ifbaxay oo badankood ku qornaa Carabi iyo Talyaani.

Kadare, waxaa uu alifay xuruuf isaga uu leeyahay , isagoo ka dhigay mid go’aysa iyo mid isku darmeysa, iskuulna u furay si fartiisa gaarka ah loo barto.

Xuseen Kadare, waxaa uu ku guuleystay tartan loo qabtay farihii xiligaas jiray oo afaf kala duwan ahaa, farahaas waxaa Soomaali ku qornaa Farta Cusmaaniya iyo Karadiya.

Markii xornimada la qaatay sanaddii 1961-dii Waxaa lasoo bandhigay dhowr qoraal waxaa ka mid ahaa Farta Shire Jamaac Axmed oo Laatinahayd iyo faro kale, tanina waxa ay ka dambeysey kadib markii dowladdii xiligaasi jirtey ee Aadan Cabdulle Cusmaan ay saartey guddi kasoo baaran dega qoraalka farta Soomaaliga.

Sida hoos ka muuqata Xuseen Sheekh Axmed(Kadare), waxaa uu ka mid ahaa guddigaas.

Guddiga ayaa waxaa xubno ka ahaa:

Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal, Guddoomiye

Yaasiin Cusmaan Yuusuf – xubin

Maxamuud Saalex (Ladane)- Xubin

Dr. Ibraahim Xaashi Maxamuud – xubin

Khaliif Suudi- Xubin

Mustaf Sheekh Xasan- xubin

Shire Jaamac Axmed- Xubin

Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare)- Xubin

Yuusuf Maygaag Samatar- Xoghayn

 

Guddigaasi hawshooda waxa ay ka socon weysey isqabqabsi dhexdooda ah maadaamaa rag iyaga ka mid ah ay doonayeen in iyaga fartii ay soo hindiseen la qaato sida Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal oo isaga soo saaray far ku qoran alifbeetaha Carabiga sanaddii 1951-dii.

Waxaa kaloo gudiga xubin ka ahaa Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo far uu leeyahay soo saaray 1952-dii, waxay gudiga ku taliyeen in farta Laatiinka la qaato, taasi oo uu soo hindisey Shire Jaamac Axmed sanaddii 1961-dii .

1969: Markii uu dalka la wareegay Madaxweyne Maxamed Siyaad waxaa uu dib usoo nooleeyay fikradii qoraalka farta Soomaaliga.

21 January 1971: Waxaa la dhisay guddiga Af-Soomaaliga, gudigan waxaa dhisay golaha sare ee kacaanka si ay u sameeyaan xarfaha ugu habboon ee lagu qoraayo Soomaaliga.

Guddigan waxaa uu ka koobnaa 21 oo ah xeeldheerayaal Afafka ah iyo labo la taliye, Xubnaha Guddiga ayaa kala ahaa, sida hoos ka muuqata, Xuseen Sheekh Axmed Kadarre waxaa uu ka mid ahaa gudigan.

Dr. Sharif Salah Mohamed Ali, Gudoomiye

Yaasin Cismaan Keenadiid

Mustaf Sheekh Xasan

Axmed Cali Abokar

Yuusuf Xirsi Axmed

Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal

Cabdidaahir Affey

Aw Jaamac Cumar Ciise

Dahabo Faarax Xasan

Cabdulaahi Xaaji Abuubakar

Cabdullaahi Ardeeye

Xasan Sheekh Muumin

Maxamed Nuur Caalin

Maxamed Xasan Aaden (Gaheyr)

Xirsi Magan Ciise

Cumar Aw Nuux

Cabdullaahi Xaaji Maxamuud (Insaaniya)

Iikar Bannaa Xadaad

Aaqib Cabdullaahi

Xuseen Sheekh Axmed (Kadare)

Axmed Cartan Xaange

Maxamed Xaaji Xuseen (Sheeko Xariir)

Cabdiraxmaan Nuur Xirsi

Shire Jaamac Axmed

Dowaladdii Siyaad Barre oo ka duwaneyd tii Aden Cadde, waxaa ay ku amartay ragan in ay farta qoraan, diyaariyaan buugaagta dugsiga hoose, waxaa ay sidoo kale ku amartay in aan lasoo hadal qaadin fartii iyaga ay gaarka u lahaayeen taas oo keentay in la qaado farta Latinka hadda lagu qoro afka Soomaaliga.

Kadare, waxaa uu ka mid ahaa dadkii isku qabtay waxa la leeyahay “Halkani waa Radio Muqdishu”, waxaa uu ku dooday in Halkani ay qof ka dhigan tahay ee lagu badalo Rabtani sida in la dhaho”Rabtani waa Radio Muqdishu” taas oo lagu diiday.

Xuseen Kadare, , waxaa uu madax ka noqday Radio Muqdishu, waxaa uu sidoo kale madax ka noqday Akedimayada Af-Soomaaliga qeybta afka, shaqadii ugu dambeesay ee Dowladdii Maxamed Siyaad uu ka qabto waxaa ay ahayd shaqo uu ka hayey Wasaaradda Tacliinta Sare.

Kadare, dhawr mar ayaa la xiray, markii uu Kacaanka dhashay waxaa la xiri jiray markii ay soo dhawaato maalinta Kacaanka isagoo lagu tuhunsanaa in uu yahay Kacaandiid ilaa markii dambe lagu daray gudigii Kacaanka lana cafiyay.

1991: Xuseen Kadare, waxaa uu ka mid ahaa dadkii sameeyay dowladdii Cali Mahadi, waxaa uu ka mid ahaa sidoo kale dadkii aad ugu dhawaa Cali Mahdi Maxamed. Dhismihii dowladdii Cali Mahdi, waxaa uu Xusseen Sh. Axmed Kadare ka noqday Wasiirka Warfaafinta.

February 1, 2015: Xuseen Sheekh Axmed Kadarre oo da’diisu kor u dhaafayso 80-jir ah ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdishu maanta oo ah maalin axad ah 1-da bisha feberaayo.

 

Xigasho: Somali Nation

About somaliwi