Home / Fanka / Taariikhda Kooban: Abwaan Marxuum Maxamed Cumar Xuseen( Huryo)

Taariikhda Kooban: Abwaan Marxuum Maxamed Cumar Xuseen( Huryo)

Abwaan Maxamed Cumar Xuseen (Huryo) waxa uu sannadkii 1935kii ku dhashay deegaanka Waabo caddo oo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Hargeysa waxaana isaga oo dhawr iyo toban jir ah aabihii dishay ciidamo Ethiopian ah ka dibna waxa la keenay magaalada Hargeysa halkaasi oo uu Yemen uga sii gudbay oo ay deganayd edadii aabihii la dhalatay isaga oo da’da labaatanka galay waxa uu ku soo laabtay magaalada Hargeysya waxaanu ugu yimi fanaankii Maxamed Siciid Guroon-jire oo ay Il-maabti labo walaalo ahi kala dhaleen ay ahaayeen kuna jiray kooxdii Walaalaha Hargeysa oo markaasi ahayd kooxda kaliya ee fan Soomaaliyeed jirtaba .

Maxamed Cumar oo aanu markaasi wali bixin magaca Huryo waxa uu ku dhexgalay hal-abuurkii fanka ee Hargeysa waqtigaasi ka bilaabmay waxaanu ka qayb-qaatay jilitaanka riwaayad uu lahaa Abwaan Cali Sugule oo magaceeda la odhan jiray Himilo taasi oo uu isagu ku matalaayey boqor magaciisu yahay Huryo Xayle Wadaaje halkaasi ayaanu ka raacay magaca Huryo .
Alle ha u naxariistee Maxamed Cumar Huryo waxa uu ahaa abwaan ku caanbaxay jilitaanka riwaayado samaynta waliba isagu waxa uu dheeraa abwaanada kale waxa uu awoodi jiray inuu kaligii noqdo koox abwaano iyo fanaaniin riwaayado kala duwan jilaaya isaga oo hal meel fadhiya waxaanu sannadkii 1969kii sameeyey laba heesood oo caan ka dhex noqday fanka Soomaaliyeed waxayna kala ahaayeen heesta Indho-deeraley oo uu qaaday Xuseen Yuusuf Tarabi iyo heesta Mahiigaan oo iyadana uu qaaday Maxamed Mooge Liibaan ahaydna heestii uu fankaba ku soo galay Maxamed Mooge .
Waxaanu Huryo Abwaan wax hal abuura toos u noqday sannadkii 1958kii
Riwaayadihii uu sameeyey alle ha u naxariistee Maxamed Cumar Huryo waxa ka mid ahaa Riwaayadii Muftaaxii Hadaan midigta ku dhigay waa inaan mushaaxaa oo ay jilitankeeda qayb ka ahaayeen alle ha u naxariistee Cismaan Cabdikariim Cismaan Gacanlaw oo markii dambe ka qaaday heesta dhallinyaro ama dhigaca lacagta , Xaliimo Khaliif Magool oo iyana ka qaaday heesta hadaan helay kii nafta hananaayey .
Waxaanu Abwaan Sangub sannadahaasi uu taageero faneed u fidiyey Abwaan Maxamuud Cabdulaahi ciise Sangub oo uu fanka uga soo horeeyey Hibo Maxamed Nuura , Maxamed Saleebaan Tubeec iyo fanaaniin kale.
Waxa uu sameey ey laba ha abuur oo noocoodu ku cusbaa fanka Soomaaliyeed kuwaasi oo u dhigmaayey waxa maanta loo yaqaano Show Drama waxaanu u kala bixiyey Dalmar iyo Af-miishaar kuwaasi oo socday toban sanno uu hadba in ku daraayey waxayna ahaayeen suugaan geeraaro majaajilo hadba wadciga la maraayey khuseeya waxaanu gaarkii caan ugu ahaa matalaada inuu haweenay iska dhigo waqtiga riwaayadaha lagu jiro
Heesaha uu hal abuuray qaarkood
1 Isna Ima daryeelo oo ay qaaday Xaliimo Magool laxankana uu saaray fanaankii reer Suudaan ee Maxamed Wardi.
2 Diigaa habeenkii oo qaaday Maxamed Axmed Kuluc isla Kulucna uu laxameey ey.
3 Badda Caashaq een gurin. oo ay Sahra Axmed Jaamac qaaday
4 Dadkoo dhami hawariyeen oo ay Khadra Daahir qaaday
Heestii ugu dambaysay ee uu alifaana waxay ahayd heesta buurta sheekh ee fanaanka Cabdiqaadir Macallin Cumar Yuusuf Jubba uu qaado
Alle ha u naxariistee Abwaan Huryo bishii Ogoosto sannadki i 1991 ayuu xanuun xaga beerka ka haleelay ugu geeriyooday magaalada Berbera

 

W.Q. Wariye Cumar Seerbiya 

About somaliwi