Home / Siyaasiyiin / Taariikh-nololeedkii Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde)

Taariikh-nololeedkii Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde)

Aadan Cabdulle Cusmaan wuxuu ku dhashay Tuulada Jawiil oo ka tirsan magaalada B/weyne sanadku markuu ahaa 1909-kii Yaraantiisii wuxuu soo marayba, sanadkii 1944-tii ayuu magaalada B/weyne kaga biiray Naadigii Dhallinyarada ee SYC, wuxuuna noqday lambarka 130-aad waxaana Isku mar la diiwaan-geliyay Isaga lyo Allaha u naxariistee C/laahi Ciise Maxamuud oo ahaa lambarkii ka horreeyay. Hase yeeshee  sanadkii 1953-di  ayuu u soo guuray Muqdisho. Sanadkii 1954-tii wuxuu ku-xigeen ka noqday Gole loo yaqaanay ‘Golaha la-tashiga’ ama ‘Consiglia Territorials’ oo uu Talyaanigu sameeyay markuu dalka ku soo noqday. Sanadkii 1959-kii ayaa loo doortay Inuu noqdo Guddoomiyihii ugu borreeyay ee Baarlamaankii Daakhiliyada, iyadoo uu xilkaasi hayay illaa 1da Luulyo 1960-kii kolkaasoo uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Bishii Juun sanadkii 1967-dii ayaa lagaga adkaaday doorashada madaxweynennimada, wuxuuna noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee xilka si dimoqraadi ah kaga dega.

Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen oo soo noqday guddoomiye baarlamaan -1966 illaa 1969 – iyo ku-sime madaxweyne markii la dilay madaxweyne C/rashiid ayaa ka sheekeeyay taariikhdii Aadan Cadde.

‘Aadan Cabdulle Cusmaan mar buu iiga sheekeeyay taarhkhdiisa. Runtii markaasi aad baan ula yaabay kartidiisa iyo dadnimadiisa. Daraawiish ayaa weerar ku soo qaadday meeshii ay deggenaayeen, xoolahoodiina ka dhacday, hooyadiisna weerarkaas ayaa lagu dilay. Isaga (Aadan) iyo aabihiis (Cabdulle) ayaa ka fakaday, baxsadkoodiina illaa Mustaxiil ayay ka dheceen oo ay webiga dhanka qorraxsin (qorrax-u-dhac) kaga tallaabeen. Kuma sii hakane, Cawlyahan (Ogaadeen) ayay dhex galeen. Niman Cawlyahan ah ayuu Cabdulle Cusmaan geel u raaci jiray. Siduu xoolihii muddo u raacaayay ayuu geed si xun uga muday lugta. Lugtii laga muday ayaa si weyn u barartay. Meeshay joogaan oo ahayd meel bahgooyo ah oo aan magaalo u dhoweyn, wax daawo ah muusan u helin lugtii dhaawacu ka Soo gaaray. Boogtii ayaa sii weynaatay illaa uu markii dambe socodkiiba gabay.

In muddo ah hadduu Cabdulle Cusmaan iska rafaadsanaa, dhaawacna ahaa, ayaa reerkii uu geeddi soo galay. Waxay reerku geeddi u ahaayeen meel aad uga fog halka uu reerkoodu markaas yaallay. Markay reerkii guurayeen ayay rati aan wax alaab ah saarneyn u dhiibeen Aadan Cadde, waxayna ku yiraahdeen: “orodoo u gee aabahaa ha soo fuulee…” Aadan ratigii ayuu aabihiis oo sariir-yaal ah u geeyay, wuuna soo fuulay. Markay Aadan iyo aabihiisba gaareen meeshii reerku degay, ayaa waxaa soo food-saartay nolol qallafsan. Maadaama odaygu bukaan-jiif ahaa, cid kaloo u soo qaraabeysana aysan jirin ayay noloshii ku adkaatay.

Markii Cabdulle Cusmaan xoogaa soo ladnaaday ayay ka soo kicitimeen meeshii ay reerkii ay la joogeen, waxayna yimaadeen degmada Xudur. Xilligaasi degmada Xudur waxay ahayd mid soo camirmeysa Talyaanigii soo degay awgiis inkastoo Sheekh Mukhtaar dhab ahaan u xasuusan taariikhday ahayd. In badan hadday joogeen Xudur ayay ka soo tageen, soona aadeen dhanka Baydhabo. Markay magaalada Baydhabo yimaadeen way la qabsadeen jawiga magaalada. Isla markiiba Aadan Cadde waxay is barteen niman Soomaali ah oo Guddoomiyihii degmada oo Talyaani ahaa cuntada u karin jiray. Waxay ka dhigeen caawiye-kariye (dhaqa suxuunta iyo guud ahaan alaabta wax lagu kariyo iyo kuwa lagu cunoba). Intuu Baydhabo joogay, maadaama uu ahaa wiil fariid ah, wuxuu bartay afka Talyaaniga waxayna is barteen Guddoomiyihii degmada.

In cabbaar ah hadday sidii ku noolaayeen ayaa Guddoomiyihii degmada loo soo sheegay in laga beddelayo Baydhabo, isla markaana uu yimaado Xamar. .Markuu amarkaasi helay ayuu isugu yeeray kariyeyaashiisii iyo caawiyeyaashoodiiba, wuxuuna ku yiri: “dalka inaan si fiican ubarto ayaan rabaa, baabuur ma raacayno ee waan lugeyneynaa ee ogaada.” Sidii ayuuna awr kaga soo kaxaystay Baydhabo isagoo ay wehliyaan kariyeyaashiisii iyo caawiyeyaashoodiiba oo uu Aadan Cadde ku jiro. Baydhabo ayay ka soo bexeen, waxay soo mareen Diinsoor iyo Yaaq-Baraawe, kadibna degmada Baraawe ayay yimaadeen, halkaas oo ay ka soo leexdeen oo ay wejiga soo saareen dhanka magaalada Muqdisho, sidii ayayna Xamar ku yimaadeen.

Guddoomiyihii hore ee Baydhabo markuu Xamar yimid waxaa loo sheegay inuu gebi ahaanba dalka ka tegaayo. Sidaas darteed wuxuu u dardaarmay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir oo isna Talyaani ahaa, wuxuuna ku yiri: “Wiil fiican oo caawiye-kariye ah waaye, aabihiis miskiin waaye, ee wiilkaan shaqo sii.” Guddoomiyihii gobolka Banaadir gurigiisa ayuu geeyay Aadan Cadde oo uu shaqo ka siiyay. Sidoo kale Aadan Cadde wuxuu noqday turjumaan afka Talyaaniga ka war celiya. Aabihiis Cabdulle Cusmaan wuxuu ku dhintay Muqdisho. Aadan Cadde muddo kadib wuxuu noqday kalkaaliye-caafimaad (farmayeeri), waxaana la geeyay degmada Shalaambood. Markaas uu Aadan Cadde shaqada caafimaad ka haayo Shalambood waxaa turjumaan ka ahaa Xaaji Faarax Cali Cumar.

About somaliwi