Home / Aqoonyahan / Danjire Daahir Maxamuud Geele: Aqoon & Deganaan

Danjire Daahir Maxamuud Geele: Aqoon & Deganaan

Danjiruhu waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta kooban ee aqoon iyo faham siyaasadeed isku darsaday, oo marka aad kala sheekaysato duruufaha Soomaaliya ku xeeran aad dareemi karto in ay u lafa baxsanyihiin.

Marka uu sharxaayana u leh fasaaxad hadal oo uu ku deeqsiin karo bulshada uu wax u sheegayo. Waana qodob muhiim u ah siyaasadda iyo diblamaasiyadda adduunka.

Waxaa kale oo uu leeyahay deganaan siyaasadeed oo ay soomaaliya baahi badan u qabto, maadaama ay Soomaalidu ka soo daashay siyaasado degdegsan oo qar iska tuurnima ah oo bubur badan ka soo gaaray.

Soomaaliya oo ku taala goob halbawla u ah caalamka oo dhan oo cid waliba ay isha ku hayso, waxa ay u baahantahay dad siyaasaddu u lafa baxsantahay oo fahamsan dhibaatooyinka gudaha, kuwa degaanada nagu xeeran iyo kuwa beelaha caalamka intaba.

Adduunku waxa uu aaminsanyahay in maadaama soomaaliya ay tahay halbawle aan adduunku ka maarmin in loo baahanyahay in la helo siyaasad isu miisaami karta danaheenna iyo tan adduunka, ee ka soo dhex saari karta dan guud. Haddii aan taa la helina iska daba wareeggu wuu sii socan doonaa, adduunkuna naga badan nagana ballaarane annaga umbaa daneheenna ku waayi doona.

Waana sababta aan danjiraha ku amaanayo kuna bogaadinayo fahamkiisa iyo degganaantiisa.

 

W.Q Xasan Xundubey

About somaliwi